U bood dhigaalka

Minnesota Eedeymaha Musuqa, Taageerada Elon Musk, Jawaabaha Siyaasiyiinta, iyo Go’aanka Trump ee TPS

Toddobaadyadii u dambeeyay, gudaha Maraykanka waxaa cirka isku shareeray dood adag oo ku saabsan eedeymo la xiriira musuq-maasuq ka dhacay qaybta daryeelka carruurta ee autism-ka gobolka Minnesota, taas oo si gaar ah loogu eedeeyay xarumo badan oo ay leeyihiin bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaasi. Arrintan oo markii hore ku ekeyd baaritaanno Gudaha ah ayaa si degdeg ah u noqotay mowduuc siyaasadeed oo qaran, kadib markii ay ku lug yeesheen siyaasiyiin culus oo ay ku jiraan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Maalqabeenka Elon Musk.

Eedeymaha Musuqa ee Minnesota

Warbixinaha warbaahinta qaarkood oo ay si weyn u faafiyeen siyaasiyiin conservative ah ayaa sheegay in sanadihii u dambeeyay uu si xad-dhaaf ah u kordhay kharashka  la xiriira adeegyada autism-ka. Sida xogaha gobolka muujinayaan:

  • 2018: $3 milyan oo adeeg autism ah
  • 2023: $399 milyan

Waxaa sidoo kale kor u kacay tirada xarumaha autism-ka oo markii hore ahaa  41 xarumood sanadkii 2018 ilaa 328 xarumood sanadkii 2023, iyadoo boqolal ka mid ah xarumahaasi ay ku yaallaan xaafadaha ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Baaritaanno federaali ah oo socday ayaa lagu  qabtay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay sameeyeen sheegashooyin been ah, carruur aan autism qabin loo gudbiyay adeegyo aan la xaqiijin, iyo lacagaha Medicaid oo si sharci darro ah loo qaatay. Kiisaska qaarkood waxaa horay u xirtay maxkamad, balse eedaha ah in lacagahaasi si toos ah loogu diray kooxaha argagixisada  oo ay ku jirto Al-Shabaab — lama xaqiijin ilaa hadda, mana jirto hay’ad federaali ah oo shaacisay caddeymo rasmi ah.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota waxay eedeymaha ku tilmaameen kuwo lagu guud-marayo bulsho dhan, iyagoo sheegay in dambi kasta uu leeyahay magac, balse aan loo baahnayn in lagu xumeeyo boqolaal kun oo Soomaali ah oo sharci ahaan ugu nool gobolka.

Elon Musk iyo Siyaasiyiinta Kale oo Arrinta Ku Soo Bata

Miliyaneerka Elon Musk ayaa arrinta sare  u qaaday  kadib markii uu retweet-gareeyay qoraal ay faafiyeen siyaasiyiin conservative ah, isaga oo ku daray erayga kooban ee “Massive fraud.” Oo ku waday waa  Musuq aad u baaxad weyn.

Inkasta oo Musk aanu sheegin wax ku saabsan Soomaalida, hadalkiisa ayaa si weyn u kordhiyay muranka iyo qiil u helidda siyaasiyadda adag ee socdaalka ay wataan siyaasiyiinta qaar ee xisbiga Jamhuuriga.

Donald Trump oo Ku Dhawaaqay Inuu Joojinayo TPS-ka Soomaalida

Kadib markii doodaha Minnesota ay gaareen heer qaran, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu:

“Si degdeg ah u joojinayo barnaamijka TPS ee Soomaalida Minnesota.”

Wuxuu ku andacooday in “kooxo Soomaali ah ay argagax galinayaan bulshada Minnesota oo ay lumiyeen balaayiin doolar.” Hadalkiisa ayaa ahaa mid si adag looga falceliyay.

TPS (Temporary Protected Status) waa barnaamij ay Soomaalidu ka faa’iidaysanayeen tan iyo 1991, waxaana loogu talagalay dadka aan si nabad ah ugu noqon karin dalkooda sababo dagaal sokeeye ama musiibooyin. Waxaa haysta oo keliya 705 qof oo Soomaali ah, marka loo eego:

  • Haiti: 330,000
  • El Salvador: 170,000

Sidaas darteed, khubarada siyaasadeed waxay sheegeen in Soomaalida TPS u qalanta ay aad uga yar yihiin tirada bulshooyinka kale ee TPS haysta.

Jawaabaha Ka Soo Baxay Minnesota

Barasaabka Minnesota, Tim Walz, oo Dimuqraadi ah, ayaa sheegay:

“Ma aha wax la yaab leh in madaxweynuhu uu si guud u beegsado bulsho dhan. Tani waa caado uu u leeyahay marka uu rabo inuu mowduuca u  jeediyo meelo kale.”

Sidoo kale, Jaylani Hussein, agaasimaha CAIR–Minnesota, ayaa ku tilmaamay go’aanka Trump:

“Niyad-jab siyaasadeed oo lagu weerarayo muhaajiriin sharci ah. Bulshadu waxay raacday sharciga, mana mudna in lagu ciqaabo siyaasad aan xaqiiqo lahayn.”.

Senator Cumar Faatax oo Minnesota ah ayaa isagana sheegay:

“Madaxweynuhu keligii ma joojin karo TPS. Waxaa u baahan go’aan sharci oo kongareeska iyo maxkamadaha ah.”