Maxay ka dhigantahay in Soomaaliya ay deeq waxbarasho siiso ardayda Suudaan?
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, kadib markii ay si rasmi ah u soo dhaweysay arday u dhalatay dalka Suudaan, kuwaas oo deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ka helay Dowladda Soomaaliya.
Ardaydan oo noqonaya qeybtii ugu horreysay ee barnaamijkan cusub ee deeqaha waxbarashada Soomaaliya, ayaa waxbarashadooda sare ku qaadanaya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo muujineysa in Soomaaliya ay ku tallaabsatay wejigii ugu horreeyay ee ay adeeg waxbarasho caalami ah ku bixin karto.
Tallaabadan ayaa ka tarjumeysa xiriirka qotada dheer iyo walaaltinimada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Suudaan, kuwaas oo shacabka iyo dowladahaba ah labada dal oo muddo dheer is garabsanayay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan ay dalka imaan doonaan arday kale oo Suudaani ah, taas oo ka dhigan in barnaamijkan deeqaha waxbarasho uu noqonayo mid joogto ah oo la xoojin doono.
Inkastoo Jaamacadaha Soomaaliya ay weli ku jiraan marxalad dib u dhis iyo casriyeyn ah, haddana horumarada sanadihii dambe la sameeyay sida tayaynta manhajka, helitaanka aqoonsiyo caalamiga ah, iyo la shaqeynta jaamacadaha shisheeye ayaa muujinaya in jaamacadaha dalku ay kasbanayaan awood ay ku qaabilaan arday shisheeye,kuna bixin karaan deeqo waxbarasho.
Qaadashada arday caalami ah ayaa waxay sare u qaadaysaa sumcadda tacliinta sare ee Soomaaliya, waxayna tusaale u tahay kalsoonida sii kordheysa ee hay’adaha waxbarashada dalka.
Deeqda ay Soomaaliya siisay ardayda Suudaan waxay leedahay dhowr micne oo muhiim ah, mar waxay xoojinaysaa xiriirka diblomaasiyadeed, mar kalena waxay ka tarjumaysaa mahadnaq iyo garab istaag walaaltinimo, waxayna furaysaa waddo cusub oo iskaashi waxbarasho ah, ayadoo muujinaysa in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qaadato kaalinta dal bixiya fursado waxbarasho oo caalami ah.
Ugu dambeyn, soo dhaweynta ardaydan Suudaan waxay astaan u tahay Soomaaliya oo dib u dhis ku samaynaysa sumcaddeeda waxbarasho, diblomaasiyadeed iyo kaalinta ay ka qaadan karto horumarinta aqoonta gobolka.