Muxuu yahay xeerka Ciisaha ee sababay Rabshadaha Boorama
Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday rabshado ka dhashay Xiisad siyaasadeed iyo mid bulsho oo uu sababay buugga xeerka Ciisaha oo la doonayay in lagu soo bandhigo magaalada taariikhiga ah ee Saylac.
rabshadaha ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh oo magaalada ka dhacay, kuwaas oo horseeday dhimasho iyo dhaawac.
Xeerka Ciisuhu waa xeer-dhaqameed sameyntiisu ay billaabatay qarnigii 16-aad, waxaana aas-aasay 44 oday oo matalayay 12 lafood oo ka tirsan beesha Ciise.
Xeerku wuxuu muddo qarniyo ah hagayay nidaamka bulshada Ciisaha, kuwaas oo ku kala nool Soomaaliya, dhulka Soomaali galbeed, Itoobiya iyo Jabuuti.
Xeerkani Wuxuu maareeyaa arrimo kala duwan sida xalinta colaadaha, magdhawga, xuquuqaha bulshada, dhaqanka, iyo qaab-dhismeedka hogaaminta beesha.
UNESCO ayaa sabadkii 2024-kii xeerkan ku dartay liiska dhaxalka Dhaqanka lama taabtaanka ah, taasoo muujisay qiimaha taariikhiga ah ee nidaamkan.
Si kasta ha ahaatee, buugga casriga ah ee dib u soo koobaya xeerkan oo uu qoray aqoonyahanka reer Jabuuti ee Cabdalla Xaaji Cismaan, isla markaana si rasmi ah loo qorsheeyay in lagu soo bandhigo magaalada Saylac ayaa noqday sababta ugu weyn ee muranka ka qarxay Boorama.
Bulshadaa qaar ayaa u arkay bamdhigga buuggan mid siyaasadaysan oo kor u qaadaysa muuqaal qabiil gaar ah, iyagoo ka walwalsanaa in loo adeegsado olole sidii is-muujin bulsho ah oo wax u dhimaya wada-noolaanshaha gobolka.
Banaanbaxyo ka dhashay dareenkaas ayaa ka billaabmay Boorama, iyadoo ciidamada ammaanka ee Soomaaliland ay isticmaalayeen rasaas si ay u kala eryaan dadkii mudaharaadayay, taas oo khasaare baaxad leh sababtay.
Warar madax bannaan ayaa tilmaamaya in ay jiraan dhimasho dhowr ah iyo dhaawacyo la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada.
Xiisaddan ayaa daboolka ka qaaday cabsi ku saabsan in dhaqanka iyo qoraallada xeerarka beelaha loo adeegsan karo siyaasad iyo kala sheegasho deegaan.