U bood dhigaalka

Maxaa Iska Beddelay Aragtida Maraykanka ee ku Wajahan Soomaaliya?

MUQDISHO (Goobjoog News) — Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay isbeddel taariikhi ah oo ku yimid xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Qoraalka cusub ee Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka Maraykanka (2025) ayaa muujinaya in Washington ay ka guurayso siyaasaddii ku dhisnayd faragelinta milatari iyo ku-tiirsanaanta gargaarka, iyada oo u guuraysa iskaashi ku dhisan maalgashi dhaqaale, xasillooni gobolka ah, iyo ixtiraamka madaxbannaanida qarannimada dalalka.

Qoraalkan ayaa Soomaaliya uga dhigan wax weyn, kaliya ma aha in uu yahay siyaasad cusub ee sidoo kale waa fursad dib u qeexaysa kaalinta ay Soomaaliya kaga jirto saaxadda caalamka.

Ka Gudbidda Xiriirka “Deeq-bixiyaha iyo Qaataha”:

Isbeddelka ugu weyn ee istiraatiijiyaddan waa ballanqaadka Maraykanka ee ah inuu ka guuro “hannaanka ku dhisan gargaarka shisheeye” una guuro “hannaan ku dhisan maalgashi iyo koboc dhaqaale.”

Sida lagu sheegay qormada:
“Maraykanku wuxuu u guurayaa… hannaan awood u leh inuu ka faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Afrika iyo awooddeeda dhaqaale ee daahsoon.”

Marka la eego dhinaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxay tani calaamad u tahay in laga sii fogaanayo kaalmada joogtada ah, loona jihaysto iskaashi dhaqaale oo dhab ah.

Jeerkan waxaa diiradda la saarayaa marinnada ganacsiga badaha, sahaminta tamarta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Farriintu way caddahay, waana: Washington mustaqbalka Soomaaliya kama dhex aragto siinta gargaar raashin oo kaliya, balse waxay ka dhex aragtaa ganacsi, maalgashi, iyo khayraadka dabiiciga ah ee dhaqaalaha adduunku baahanaha u yahay.

Kahortagga Colaadaha Gobolka:

Istiraatiijiyaddu waxay Geeska Afrika u aqoonsatay gobol u baahan diblomaasiyad degdeg ah oo xasaasi ah. Washington waxay walaac qotadheer ka muujisay xiisadaha u dhexeeya dalalka Itoobiya, Ereteriya, iyo Soomaaliya, iyada oo ka digtay in khilaafyadani ay khalkhal gelin karaan guud ahaan gobolka.

Maraykanka ayaa mudnaanta siinaya “kahortagga colaado cusub”, isaga oo doonaya inuu qaato kaalin dhexdhexaadiyanimo. Iyadoo Soomaaliya ay si adag u ilaalinayso madaxbannaanideeda, Itoobiyana ay raadinayso xulafooyin cusub, haddana Maraykanku wuxuu hiigsanayaa inuu adeegsado diblomaasiyad—halkii uu adeegsan lahaa faragelin milatari—si nabaddu u waarto.

Isbeddelka Dhanka Amniga:

Inkasta oo halista Al-Shabaab ay weli tahay mid daran, misana Maraykanku wuxuu beddelayaa qaabka uu u waajahayo. Waayihii ciidamada faraha badan iyo “dawlad-dhisidda” (nation-building) waxaad in ay soo dhammaadeen.
Istiraatiijiyadda cusub waxay meesha ka saaraysaa joogitaanka ciidan Maraykan ah. Beddelkeeda, waxay doorbidaysaa hawlgallo qorshaysan, wadaagista xogo sirdoonoo heerkoodu sarreeyo, iyo in la xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay hoggaanka u qabtaan.

Ujeeddadu waa in la wiiqo kooxaha xagjirka ah iyada oo aan wax loo dhimayn madaxbannaanida Soomaaliya.

Tartanka Awoodaha Waaweyn:
Juqraafiga ahaan Soomaaliya—xeebteeda dheer ee ilaalinaysa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya—waa hantida ugu weyn ee istiraatiijiyadeed ee ay leedahay. Maadaama tartanka Shiinaha uu sii kordhayo, Maraykanku wuxuu doonayaa inuu sugo marinnada badaha iyo dekedaha gobolka.

Washington waxay doonaysaa in biyahani ay ahaadaan kuwo furan oo ammaan u ah ganacsiga caalamiga ah, iyadoo maalgalinta Maraykanka kaga hortagaysa saamaynta ganacsi ee Shiinaha uu ku leeyahay Bariga Afrika.

Ixtiraamka Siyaasadda Gudaha:
Si ka duwan maamulladii hore oo inta badan iskudayi jiray inay jaangooyaan natiijooyinka siyaasadeed, istiraatiijiyadda 2025 waxay xoojinaysaa faragelin la’aanta siyaasadda.

Maraykanku wuxuu qorshaynayaa inuu ka gaabsado maaraynta khilaafyada federaalka ama/iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo kolkan doorbidaya xiriir ku dhisan danwadaag iyo tixgalinta hannaanka siyaasadeed ee maxalliga ah.

Maxay Tani Uga Dhigan Tahay Soomaaliya?

Istiraatiijiyaddani waxay Soomaaliya ka dhigaysaa goob ahmiyad istiraatiijiyadeed leh, halkii ay ka ahaan lahayd “goob dhibaato u joog ah.” Iyada oo diiradda la saarayo Dhaqaalaha Buluugga ah (Blue Economy), iskaashiga amniga, iyo maalgashiga, Maraykanku wuxuu isku hallaynayaa awoodda Soomaaliya.

Waxayna hadda kubbaddu taallaa dhinaca Muqdisho, taas oo ku Soomaaliya hordhigaysa xujo ah: in laga faa’iidaysto fursadahan oo si dhugmo leh looga dhex shaqeeyo isbeddeladan caalamiga ah si loo hanto mustaqbal aayatiin leh.