U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cafiyay ardayda Fasalka 12aad ee aan imtixaanka galin 2015/2016

Sheeko:Waxbarashada

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa ku dhawaaqay go’aan muhiim ah oo ay qaadatay Xukuumadda Dan Qaran, kaasoo ah in la cafiyo ardaydii Soomaaliyeed ee aan ka qeyb-gelin Imtixaanka Fasalka 12aad sannad dugsiyeedkii 2015/2016.

Ardaydan oo tiradoodu gaarayso 28,000 ayaa ka maqnaa imtixaanka sababo loo aqoonsaday inay ahaayeen duruufo macquul ah oo saameyn ku yeeshay awooddooda waxbarasho.

Xukuumaddu waxay ogolaatay talada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasoo soo jeedisay in ardaydan loo fasaxo in ay helaan shahaadada Fasalka 12aad iyada oo lagu saleynayo xogta ay hayso Wasaaradda.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa xaqiijisay in dhammaan xogta ardayda ay buuxdo, taasoo u sahleysa in si habsami leh loo fuliyo tallaabadan. Go’aankani wuxuu ujeedkiisu yahay in la taageero waxbarashada, isla markaana ardayda Soomaaliyeed ay helaan fursad siman oo ay ku dhammeystiraan waxbarashadooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ardayda iyo waalidiinta in ay ka faa’iidaystaan fursadan, islamarkaana ay ku dadaalaan in ay sii wataan waxbarashadooda si guul leh.