Maxamed Bin Salmaan oo lagu xamanayo doonista Barcelona
Warar si weyn u qabsaday warbaahinta ciyaaraha ee Yurub, gaar ahaan tan Spain, ayaa sheegaya in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, uu xiise gaar ah u muujiyay kooxda caanka ah ee FC Barcelona, taasoo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Yurub.
Sida ay werisay saxaafadda Spain, Sucuudiga ayaa lagu soo warramayaa in uu doonayo in uu iibsado kooxda Barcelona, isla markaana ku sameeyo maalgelin aad u ballaaran, si kooxdaasi uga soo kabato dhibaatooyinka dhaqaale iyo daymaha culus ee muddooyinkii dambe ragaadiyay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dalabka Sucuudiga lagu qiyaasay 10 bilyan oo Yuuro, hase yeeshee arrintan ayaa loo arkaa mid aad u adag in la hirgeliyo, maadaama Barcelona ay tahay koox leh qaab-dhismeed gaar ah, isla markaana ay hoos timaaddo nidaamka xubnaha (socios), taas oo ka dhigaysa in aan si sahlan loogu wareejin karin milkiyad shisheeye.
Inkasta oo aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Barcelona, haddana hadal-heyntan ayaa abuurtay dood ballaaran oo dhex martay taageerayaasha, khubarada ciyaaraha iyo warbaahinta, kuwaas oo qaarkood u arka fursad dhaqaale oo kooxda badbaadin karta, halka kuwo kalena ay ka walaacsan yihiin in taariikhda iyo aqoonsiga Barcelona la beddelo.
Dhanka kale, Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha Sucuudiga (PIF) ayaa horayba caan ugu ahaa maalgelin xooggan oo uu ku sameeyay ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, isagoo saameyn ku yeeshay laacibiin caalami ah iyo kooxo waaweyn. Ujeeddada Sucuudiga ayaa lagu tilmaamaa mid la xiriirta kor u qaadidda sumcadda dalka, soo jiidashada indhaha caalamka, iyo dhisidda awood ciyaareed oo heer caalami ah.