U bood dhigaalka

Halkee ayay ku dambeeyeen hoggaamiyaashii carabta ee xilka looga tuuray kacdoonkii Gu’ga Carabta ?

Waxaa maanta laga joogaa 15 sano markii Mohamed Bouazizi, oo ahaa ganacsade yar oo reer Tunisia ah, uu isku gubay magaalada Sidi Bouzid ee dalkaas 17-kii Disembar ee sanadkii 2010-kii.

tallaabadaasi waxay ka dhalatay tacaddiyo booliis iyo dayacaad dowladeed, ayadoo Ficilkaas murugada lehi uu noqday dhimbishii hurisay kacdoon ballaaran oo gilgilay dunida Carabta, kaas oo loo bixiyay Gu’gii Carabta.

Malaayiin qof oo ka caroodey shaqo la’aan baahsan, musuqmaasuq, iyo nidaamyo siyaasadeed  keligii talis ah ayaa waddooyinka u soo baxay dalal ay ka mid yihiin Tunisia, Masar, Liibiya, Yemen iyo Suuriya.

Muddo kooban gudaheed, kacdoonnadaas waxaa xilka looga tuuray shan hoggaamiye oo muddo dheer ka talinayay dalalkooda.

Dalka Tunisia oo uu kacdoonku ka bilowday waxaa xilligaas hoggaamiye ka ahaa Saynul Caabidiin Bin Cali, kaas oo Dhashay sanadkii 1936, xilkana hayay muddo 23 sano ah oo ay intii u dhexeysay 1987-2011, wuxuuna 2019-kii ku  geeriyooday magaalada Jidden ee Boqortooyada Sucuudiga.

Ninkani wuxuu dalka ku qabsaday afgambi militari, ka dib markii uu xilka ka tuuray
madaxweyne Habib Bourguiba, isagoo ku sababeeyay in uusan caafimaad ahaan awoodin hoggaaminta dalka.

Intii uu talada hayay, Ben Ali wuxuu dhisay nidaam adag oo ku tiirsan hay’adaha amniga, wuxuuna si xooggan u cabburiyay mucaaradka iyo warbaahinta, inkastoo uu fur furay dhaqaalaha dalka oo horseeday koboc dhaqaale, haddana Tunisia waxaa si qoto dheer u saameeyay musuqmaasuq, sinaan la’aan iyo xayiraad lagu hayo xorriyadda hadalka.

Cabashooyinka bulshada oo ay ugu waa-weynaayeen tacaddiyada booliiska, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo musuqmaasuqa ayaa cirka isku shareeray kadib is-gubiddii Bouazizi.

Muddo 28 maalmood ah oo mudaharaadyo joogto ah kadib, Ben Ali wuxuu 14-kii Janaayo 2011 ku dhawaaqay xaalad degdeg ah,wuxuu kala diray xukuumaddii, kadibna wuxuu u qaxay dalka Sucuudiga.

Saynul Caabidiin Bin Cali wuxuu sanadkii 1980-kii guursaday haweenay lagu magacaabo layla bin Cali, waxayna u dhashay labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Rafikah iyo Halima.

2) Hosni Mubarak

Hosni Mubarak wuxuu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar sanadkii 1981, kaddib dilkii lagu khaarijiyay madaxweynihii hore Anwar Sadat, wuxuuna intii uusan xukunka qaban ahaa  taliyihii ciidamada cirka, asagoo xukunka awood ciidan ku haystay muddo sano ah.

Intii uu xilka hayay, xukunkiisa waxaa lagu tilmaami jiray mid adag, laguna garto cabburin mucaarad, xorriyada siyaasadeed oo kooban, iyo musuqmaasuq baahsan oo saameeyay hay’adaha dowladda.

Inkastoo Masar ay ahayd dalka ugu dadka badan dunida Carabta, haddana malaayiin muwaadiniin ah ayaa wajahayay shaqo la’aan, saboolnimo iyo cadaadis siyaasadeed.

25-kii Janaayo sanadkii 2011-kii, oo ku beegnayd maalinta booliiska Masar, ayay mudaharaadyo ballaaran ka qarxeen dalka oo dhan,ayadoo dadweynuhu mudaharaadayay ay hoggaaminayeen dhalinyaro iyo ururro rayid ah, waxayna si cad u dalbaday in Hosni Mubarak uu xilka ka dago.

Muddo 18 maalmood ah oo mudaharaadyo joogto ah kadib, 11-kii Febraayo 2011, Hosni Mubarak ayaa lagu qasbay inuu iscasilay, taasoo soo afjartay 30 sano oo uu xukunka hayay.

Kadib ridistiisii, Mubarak waxaa la hor keenay maxkamad, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in iyadoo lagu helay ku lug lahaanshaha dilka dibadbaxayaal nabadeed intii lagu jiray kacdoonka, balse xukunkaas waxaa burisay maxkamadda sare ee dalka, waxaana la amray dib-u-maxkamadeyn.

Intii dib-u-maxkamadeyntu socotay, Mubarak waxaa lagu helay dambiyo musuqmaasuq, wuxuuna qaatay lix sano oo xabsi ah, inkastoo xaaladdiisa caafimaad iyo isbeddellada siyaasadeed awgeed uusan si buuxda ugu jirin xabsi caadi ah.

Sanadkii 2017, Hosni Mubarak ayaa la sii daayay kadib markii lagu waayay eedeymihii ugu dambeeyay, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Qaahira 25-kii Febraayo 2020, asagoo 91 jir ah.

Hosni Mubarak wuxuu sanadkii 1959-kii guursaday haweenay lagu magacaabo  Suzanne Mubarak, waxayna isku dhaleen labo wiil oo kala ah : Jamal Mubarak iyo Alaa Mubarak.

3) Cali Cabdulla Saalax

Cali Cabdalla Saalax ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu muddada dheeraa dunida Carabta, isagoo dalka Yemen xukumayay muddo 33 sano ah, wuxuuna madaxweyne ka noqday Waqooyiga Yemen sanadkii 1978, kadibna wuxuu hoggaamiyay Yemen oo mideysan laga bilaabo 1990-kii ilaa 2012-kii.

Saalax waxaa lagu yaqaanay xeelad siyaasadeed oo ku dhisan qabiil, ciidan iyo isbahaysiyo is-beddelaya, asagoo mar uu ka hadlayay sida uu Yemen u maamulo ku tilmaamay ku ciyaaridda madaxyada masas, taas oo muujinaysay sida uu uga faa’iidaysan jiray khilaafaadka iyo danaha iska hor imanaya si uu talada u sii haysto.

Si kastaba ha ahaatee, kacdoonnadii Gu’ga Carabta ee 2011 ayaa gilgilay xukunkiisa, mudaharaadyo ballaaran oo dalka oo dhan ka dhacay, kana dhan ahaa musuqmaasuq, shaqo la’aan iyo kali-talisnimo, ayaana ugu dambeyn ku qasbay Saalax inuu xilka ka dego.

Heshiis wareejin awood ah oo la saxiixay sanadkii 2012 ayuu talada ku wareejiyay, inkastoo uu sii haystay saameyn siyaasadeed.

Kadib wareejintii xilka, Saalax wuxuu sameeyay isbahaysi lama filaan ah oo uu la galay jabhadda Xuutiyiinta, kuwaas oo horey colaadi kala dhaxaysay,ayadoo isbahaysigaas uu gacan ka geystay in Xuutiyiintu la wareegaan caasimadda Sanca sanadkii 2014-kii,Hase yeeshee, xiriirkaasi ma sii waarin.

Sanadkii 2017, Saalax wuxuu jebiyay heshiiskii Xuutiyiinta, isagoo isku dayay inuu heshiis la galo isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee la dagaallamayay, Go’aankaasina wuxuu sababay dhammaadkiisa.

Cali Cabdalla Saalax waxaa asagoo 75 jir ah dilay ciidamada Xuutiyiinta sanadkii 2017, taasoo soo afjartay nolol siyaasadeed oo dheer, muran badan, isla markaana si qoto dheer u saamaysay taariikhda Yemen.

Saalax wuxuu ahaa hoggaamiye ay isugu milan yihiin awood, xeelad iyo muran, Inkastoo uu muddo dheer ku guuleystay inuu xakameeyo Yemen, haddana isbeddelladii Gu’ga Carabta iyo isbahaysiyadii is rogrogayay ayaa ugu dambeyn horseeday burburkii taladiisa iyo
noloshiisaba.

Cali Cabdalla Saalax wuxuu guursaday hal xaas oo lagu magacaabo Asma Salax, waayna u dhashay 7 carruur ah isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo ay ugu caansanaayeen Axmed Cali Cabdalla Saalax, Khaalid Cali Cabdalla Saalax,iyo Saaliix Cali Cabdalla Saalax.

4) Mucammar Al-Qadaafi

Muammar Gaddafi wuxuu ahaa sarkaal ciidan oo sanadkii 1969 afgambi militari kula wareegay talada Liibiya, isagoo meesha ka saaray boqortooyadii dalka ka jirtay ee boqor Idriis Al-Sunuusi.

Markii uu xukunka qabsaday kadib, wuxuu isu dalacsiiyay darajada kornayl, darajadaas oo uu hayay inta ka dhiman noloshiisa, inkastoo uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka.

Gaddafi wuxuu dhisay nidaam si gaar ah isaga ugu xiran, kana fog hay’adaha dowladeed ee caadiga ah, asagoo dalka ku maamulayay guddiyaal loo yaqaanay “guddiyada kacaanka”, halka awoodda dhabta ahna ay gacantiisa ku urursanayd.

Xukunkiisa waxaa lagu asteeyay cabburin siyaasadeed, xorriyad la’aan iyo adeegsiga dakhliga shidaalka si loo ilaaliyo talada.

Muddo tobannaan sano ah, Liibiya waxay ku jirtay go’doon caalami ah, balse horraantii 2000-meeyadii Gaddafi wuxuu dib ula heshiiyay dalal Reer Galbeed ah kadib markii uu ka tanaasulay barnaamijyadii hubka nukliyeerka, kiimikada iyo bay’oolajiga.

15-kii Febraayo 2011, mudaharaadyo ayaa ka billowday magaalada Benghazi kadib markii la xiray garyaqaan u doodayay xuquuqda aadanaha, balse sida dalal kale oo Carbeed, dhacdadaasi waxay noqotay dhimbil hurisay kacdoon ballaaran.

Si kastaba, tallaabadii uu Gaddafi kaga jawaabay mudaharaadyada oo ahayd awood xad-dhaaf ah ayaa isu beddeshay dagaal hubeysan iyo colaad sokeeye.

Bishii Agoosto 2011, xoogagga mucaaradka hubeysan ayaa qabsaday caasimadda Tripoli, taas oo calaamad u noqotay dhammaadka nidaamkii Gaddafi, ayadoo duqeymo cirka ah oo ay hoggaaminayeen NATO iyo saraakiil sare oo ka goostay xukunkiisu ay si weyn u wiiqeen awooddiisii.

Gaddafi wuxuu ugu dambeyn u cararay magaalada uu ku dhashay ee Sirta, halkaas oo 20-kii Oktoobar 2011-kii lagu qabtay laguna dilay gacanta xoogagga mucaaradka.

Dilkiisa wuxuu soo afjaray 42 sano oo uu xukun adag ku hayay dalka Liibiya, wuxuuna noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa ee Gu’ga Carabta lagu riday.

Qaafi wuxuu guursaday labo xaas oo kala ahaa Faatixa Albaashir iyo Safiya farkash, waxayna u dhaleen 7 carruur ah oo kala ahaa 6 wiil iyo 1 gabar, ayadoo magacyadoodu ay kala ahaayeen:

1. Muhammad

2. Saif al-Islam

3. Al-Saadi

4. Mutassim

5. Hannibal

6. Khamis

7. iyo Aisha oo ahayd gabadha keliya ee uu dhalay, inkastoo la sheegay inuu korsaday gabar kale oo lagu magacaabo Hanna.

5) Bashaar Al-Asad

Bashaar Al-Asad ayaa talada Suuriya la wareegay sanadkii 2000, isagoo markaas jiray 34 sano, kadib geeridii aabihii Xafez Al-Asad.

Bashaar si uu xilka u qabto, waxaa si degdeg ah wax looga beddelay dastuurka dalka, iyadoo da’da ugu yar ee madaxweyne lagu noqonkaro hoos loo dhigay saacado yar gudahood.

Aabihii, Xafez Al-Asad, oo ahaa sarkaal milatari, ayaa xukunka qabsaday sanadkii 1970-kii, wuxuuna dalka ku hoggaamiyay gacan adag muddo 29 sano ah.

Nidaam dowladeed oo si adag loo koontaroolo ayuu dhisay, kaas oo Bashaar Al-Asad uu halkii ka sii waday, isagoo xukunka hayay  muddo 24 sano ah.

Kacaankii Suuriya wuxuu billowday markii dhallinyaro dhowr ah ay darbiyada iskuulkooda ee magaalada Darca ku qoreen farriimo ka dhan ah dowladda, kuwaas oo ay kamid ahayd oraah caan noqatay oo ahayd ” Digtoore waa kaalintadii”.

Arrintaasi waxay dhalisay mudaharaadyo si degdeg ah ugu faafay dalka oo dhan, balse jawaabtii xukuumadda ayaa noqotay mid rabshado wata.

Tallaabooyinka adag ee ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa isu beddelay dagaal sokeeye oo baahsan, kaas oo soo jiitay quwado caalami ah sida Ruushka, Iiraan, Turkiga iyo Mareykanka.

Dagaalkaasi wuxuu socday ku dhowaad 14 sano, wuxuuna sababay barakaca in ka badan kala bar shacabka Suuriya, isaga oo abuuray masiibo qaxooti oo ka mid ah kuwii ugu waaweynaa dunida.

8-dii Diseembar ee sanadkii 2024, waxaa si rasmi ah u soo afjarmay 53 sano oo ay qoyska Asad ka talinayeen Suuriya,  kadib markii weerar degdeg ah oo ay hoggaaminayeen kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) iyo kooxo kale oo mucaarad ah uu keenay in ciidamada dowladda ay si lama filaan ah u burburaan maalmo gudahood.

Markii xoogagga mucaaradka ay galeen magaalada Dimishiq, Bashaar Al-Asad iyo qoyskiisa ayaa dalka ka qaxay, iyagoo diyaarad ku aaday magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaas oo ay ka heleen magangelyo siyaasadeed, waxaana ay haatan ku nool yihiin gudaha Ruushka.

Xukunkii Bashaar Al-Asad wuxuu ku dhammaaday si lama filaan ah, balse wuxuu ka tagay Suuriya oo burbur ballaaran, qaxooti malaayiin ah, iyo bog madow oo taariikheed.

Dhamaadka taliskiisa ayaa calaamad u noqday isbeddel weyn oo siyaasadeed, inkastoo mustaqbalka Suuriya uu weli wajahayo caqabado adag.

Bashaar Al-Asad wuxuu sanadkii 2000-dii wax yar ka dib markuu madaxweyne noqday guursaday hal xaas oo lagu magacaabo Asma Al-Asad

Waxayna isku dhaleen 3 carruur ah oo kala ah:

1. Hafez

2. Zein

3. Karim

Gu’ga Carabtu wuxuu beddelay taariikhda siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, inkastoo natiijooyinkiisu ay dalba dal uga duwanaadeen. Shacabka kacdoonka sameeyay waxay muujiyeen awoodda codka dadweynaha, halka hoggaamiyeyaashii la riday ay noqdeen cashar taariikhi ah oo ku saabsan cawaaqibka talisnimo, musuqmaasuq iyo cadaalad-darro.