U bood dhigaalka

Muqdisho oo gashay marxalad diyaar-garow doorasho

Muqdisho ayaa si rasmi ah u gashay wajigii ugu dambeeyay ee diyaar-garowga doorashada golayaasha deegaanka, taas oo la filayo in ay qabsoonto 25-ka bishan.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa xaqiijiyay in hawlaha farsamo iyo kuwa amni ay si xawli ah u socdaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu diyaariyay dhammaan qalabkii lagama maarmaanka u ahaa codbixinta, isla markaana qorshuhu yahay in qalabkaasi lagu daabulo xarumaha loogu talagalay codbixinta ee degmooyinka caasimadda.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in talaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, si hufan oo nidaamsan.

“In ka badan 500 oo goobood ayaa laga codeyn doonaa 25-ka bisha, waxaana noqon doonta doorashadii ugu fiicneyd ee Soomaaliya soo marta.” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga doorashada Qaranka.

Dhanka kale, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amaro adag oo la xiriira sugidda amniga doorashada, isaga oo faray dhammaan laamaha amniga in ay heegan buuxa galaan maalmaha ka horreeya iyo inta ay doorashadu socoto. Amarradan ayaa diiradda saaraya ilaalinta goobaha codbixinta, hubinta badqabka codbixiyeyaasha iyo ka hortagga fal kasta oo amniga wax u dhimaya.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale sheegay in waddooyin gaar ah la xakameyn doono maalinta doorashada, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ciidammada iyo hawl-wadeennada doorashada. Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xaqiijinta jawi nabdoon oo ay muwaadiniintu si xor ah codkooda uga dhiiban karaan.

Guud ahaan, Muqdisho ayaa muujinaysa astaamo cad oo muujinaya in ay gashay marxalad diyaar-garow doorasho, iyadoo hay’adaha doorashooyinka iyo kuwa amnigu ay si wadajir ah uga shaqeynayaan in doorashada golaha deegaanka ay u dhacdo si nabad ah, hufan, isla markaana kalsooni ku abuura shacabka caasimadda.