U bood dhigaalka

Xadgudubka Borotokoolka: Maxay ka dhigan tahay in Wasiirka Gaashaandhigga Kenya uu dalka yimaado isagoon la socon dhiggiisa Soomaaliya?

​Booqashadii dhowaan ay Xoghayaha Gaashaandhigga dalka Kenya, Soipan Tuya, ku timid deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan Kismaayo, Kuday, iyo Dhobley, waxay dhalisay dareen xooggan oo ku aaddan madax-bannaanida iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed.

Inkasta oo Kenya ay tahay saaxiib muhiim u ah nabadeynta Soomaaliya, haddana qaabka ay booqashadu u dhacday waxay muujinaysay hab-dhaqan baal-marsan borotokoolka caalamiga ah ee diblamaasiyadda, maadaama wasiiradda ay dalka soo gashay iyada oo uusan wehelin dhiggeeda Soomaaliya ama masuul ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka.

​Tallaabadan waxay farriin taban u diraysaa nidaamka dawladnimo ee Soomaaliya, waayo waxay u muuqataa in dalka loo qaybiyay aagag saameyn oo ay maamulaan dalal shisheeye.

Marka wasiir shisheeye uu si madax-bannaan u dhex lugaynayo gudaha dalka isaga oo aan soo marin caasimadda Muqdisho, uuna kormeerayo ciidan iyo mashaariic kaabayaal dhaqaale, waxay meesha ka saaraysaa doorkii kormeerka iyo maamulka ee ay dowladda dhexe ku lahayd dhulkeeda.

Booqashadani waxay xoojinaysaa aragtida ah in gobollada qaar ee Soomaaliya ay weli yihiin kuwo u xiran danaha dalalka dariska ah, taas oo daciifinaysa nidaamka federaalka iyo kalsoonida ay shacabku ku qabi karaan madax-bannaanida dhulkooda.

​Dhanka kale, meelaha ay wasiiradda booqatay ee Kismaayo iyo deegaannada istiraatiijiga ah ee xeebta ku yaalla sida Kuday, waxay muujinayaan in Kenya ay mudnaanta koowaad siinayso amniga xuduudaheeda iyo saamaynteeda gobolka, halkii ay ka eegi lahayd xoojinta xiriirka labada dowladood ee heer federaal.

In Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya laga tago ama aan xitaa lagala tashan booqashadan waxay hoos u dhac ku tahay sharafta calanka iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Waxay u muuqataa in howlgalka cusub ee AUSSOM uu ku billowday jawi ay dowladda Kenya ku doonayso inay si gooni ah u maamusho aagga ay ciidankeedu joogaan, iyadoo aan tixgelin siinayn nidaamka dowladnimo ee caalamiga ah.