Magaalada Muqdisho iyo Doorashada Dadweyne ee Saakay: Waa Sidee Xaalku?
Muddo ku dhow 60 sano, shacabka magaalada Muqdisho ku dhaqan saakay oo Khamiis ah waxay u dareereen doorashada gole degaan ee lagu qabanayo 16da degmo ee gobolkaBanaadir.
Ammaanka magaalada aad ayaa loo sugay, oo goobaha codbixintu ka socoto waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska oo si gaar ah loogu diyaariyay ilaalinta amniga iyo habsamisocodka doorashada.
Qeybo badan oo waddooyinka ayaa xiran, iyagoo la fasaxay kaliya gawaarida ay adeegsanayaan dadka codaynaya. Dadweynaha codaynaya saakay waxay xilli hore u soo jarmaadeen si ay codkooda u dhiibtaan.
Goobaha codbixinta ka socota saakay waxaa lagu arkayay dad waayeello ah, oo u soo dheelmaday xarrumaha ay ka codaynayaan si ay u codeeyaan. Si guud, jawiga magaalada ayaa laga dareemayaa deganaan.
Qofkii waddada kaa horyimaada saakay, wuxuu ku weydiinayaa inaad soo codaysay iyo in kale.
Warbaahinnada caalamiga ah ee Reuters iyo TRT ayaa ka marqaatikacaya taariikhdan iyo waaga cusub ee Muqdisho iyo shacabkeedu u dillaacay iyo warbaahinno kale oo cusub.
Marka aan ka nimaadno dulkaxaadiskaas guud ee xaaladda saakay, doorashada maanta ka bilaabatay Muqdisho dadka gobolka Banaadir kuma dooranayaan gole guud oo ay wadaagaan, balse degmo walba oo kamida 16da degmo ee gobolkan ayaa mid walba waxay sig aar ah u dooranaysaa golaheeda degmo.
Tusaale, Hodan waxay dooranaysaa golaheeda degaan, Waaberina sidaas oo kale ayay u dooranaysaa golaheeda gaarka ah iyo degmo kasta. Waa si la mid ah sida Eyl iyo Qardho ay u doorteen golayaashooda degaanka.
Fahanbixintaas haddii aan ka soo gudubno, bal aan markaan isla fiirinno tirada dadka codaynaya ee kaararka qaatay. Dadka codaynaya, waa kaliya dadka qaatay kaarka codbixinta oo tiro ahaan gaaraya 503,916 oo qof, waxayna ka yihiin dadkaa kaararka qaatay 55% markii la barbardhigo dadkii isdiiwaangaliyay oo ah in ka badan 900,000 oo qof.
52% dadka kaararka qaatay ee codaynaya waxay ka codaynayaan degmooyinka Kaaraan, Dharkaynley, Hodan iyo Yaaqshiid oo iskudar ah 264,785 oo qof oo codbixiyaal ah, waxay taasi ka dhigan tahay in afartaas degmo ay dadka ugu badani ka codaynayaan.
523 seejo ama goobdoorasho ayaa laga codaynayaa guud ahaan 16da degmo, waxaana doorashada ka shaqaynaya in ka badan 5,000 oo qof.
Intaas ka dib, haddaan u imaadno dadka tartamaya, 69% dadka u tartamaya golayaasha 16da degmo ee gobolka Banaadir waa dhalinyaro da’doodu u dhexayso 20-35 jir.
Tani waxay ka dhigan tahay in 1,604ta musharrax ay dhalinyaradu ka yihiin 1,107 oo qof micnaha 10kii musharaxba cel-celis 7 ka mid ah ayaa dhallinyaro ah. Waxay tirooyinkani ka dhigan yihiin in doorashadan ay musharrixiin ka yihiin tiradii ugu badnayd ee dhallinyaro ah oo ka qeybgasha doorashooyinka degmooyinka gobolka Banaadir oo 50 sano in ka badan aan qabsoomin.
Haweenka ayaa iyaguna ka ah dadka tartamaya tiro dhan 23%. Taas markii laga yimaado, degmooyinka uu gobolka ka koobanyahay ee 16da ah, waxaa loo qaybiyey laba darajo A iyo B, degmooyinka A-da ah oo 9 ah, waxay dooranayaa 27 xubnood, halka kuwa B-da ah oo 7 ah ay dooranayaan 21da xubnood, waxay derajooyinkani ay ku sal-go’anyihiin tirada dadka ee degmo walba iska diiwaangelisay. Waxaa la dooranayaa si guud 390 xildhibaan oo golayaal degaan ah, marka laysku daro 16da degmo golayaashooda, waxaana u sharaxan 1600 in ka badan.
Codaynta dadka markii loo yimaado, dadku si toos ah uguma codayn karaan musharraxiinta golaha degaanka, balse warqadda codbixinta ayay ka dhex dooranayaan urursiyaasadeedka ay doonayaan, noocan doorasho waxaa loo yaqaan liistada xiran.
Dhanka kale haddaan wax ka taabanno sida ururrada ugu soo baxayaan golayaasha la dooranayo, codadka la siiyo ururka ayaa jaangoonaya tirada xildhibaanno ee degmadaas uu ku yeelanayo.
Si haddaba ay u soo baxaan xildhibaannada golaha degaanka waxaa marka kowaad la tirinayaa dadka degmadaas ka codeeyay, ka dibna waxaa loo qeybinayaa tirada degmadaasi ay golaha degaanka leedahay. Waxaa markaas la ogaanayaa codka uu ku soo baxo halka mudane ee degmadaas, waxaana si ururku tirada uu helay loo ogaado loo qeybinayaa codadka uu helay, codka halka xildhibaan uu ku soo baxo.
Haddana, haddii ururku uu yeesho in ka badan 50% tirada golaha degmadaas waxa uu yeelanayaa duqa iyo kuxigeenka degmadaas. Ururku isagaa dooranaya degmada uu rabo inuu ka tartamo, hadda Muqdisho 20 urur ayay ka kala socdaan 1604ta musharax ee golaha degmooyinka laakiin 6 urur oo kamida ayaa ka tartamaya 16da degmo, micnaha inta badan ururadu waxay ka tartamayaan degmooyin cayiman oo musharixiin uma dirsan degmooyinka oo dhan.
Gabagabadiina, natiijada rasmiga ah waxaa shaacinaya Guddiga Doorashooyinka oo tirinta ka dib la wadaagaya Maxkamadda Sare.