Muqdisho oo Waa Kale u Beryay Saakay
Muqdisho waxa ay maanta u jihaysatay waddadii isbeddelka iyo horumarka, dadka reer Muqdisho waxa ay saaka u dareereen doorashada golaha degaanka, iyada oo qof kasta si xor ah codkiisa u dhiibanayo. Muwaadiniinta kaarka codaynta qaatay ayaa u galay safaf dhaadheer si ay codkooda u dhiibtaan ayna u dareemaan in ay iyaga codkooda wax baddeli karo.
Codbixiyayaasha saakay doorashada u soo istaagay waxaa ka muuqatay in ay u wada dhammaayeen oo aan doorashada iyo codbixinta loo kala maqnayn. Hadday noqon lahaayeen shacabka caadiga ah: haweenka, dhallinyarada; shaqaalaha dowladda iyo dhammaan inta xaqa u lahayd in ay codeeyaan oo haystay kaarka doorashada. Dadka saakay doorashada ka qeybgalay waxa ay iskugu jireen dad dhallinyaro ah, dad waayeel ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida, dadka naafada jireed qaba oo gaari ku socda iyo kuwo indhaha naafo ka ah. Falcelinta ay dadkaasi gudbinayeen waxay muujinaysay in ay la dhacsanyihiin in maantay ay gudanayaan xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin, qaran koodana ku taageerayaa dadkii si hufan ugu hogaamin lahaa golahooda degaanka.
Madaxweynaha JFS oo Codkiisa Dhiibtay
Muwaadiniinta maanta u soo kacay in ay codkooda dhiibtaan waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo gaarigiisa kaxaysanaya marwada koowaad ee qaranka la socota ayay si wada jir ah ugu codeeyeen Seejada Tiyaatarka Qaranka ee degmada Warta Nabadda.
Madaxweynaha JFS wuxuu bulshada Soomaaliyeed u sheegay muhiimadda ay leedahay maalintan weyn iyo sida ay dadka Soomaaliyeed taariikh weyn ugu tahay, hadallada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in uu yiri: “Maanta waxaan rognay baal cusub oo taariikhdeenna ka mid ah. Waxaan qaadnay jidkii nabadda, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si guud ula hadlay bulshada soomaaliyeed ee aragtidiisa raacsan iyo kuwa ku diidanba waxa uu ku yiri: “Tani waa mustaqbalka guud ee ummadda Soomaaliyeed oo maanta waddo cusub qaadday, waxaan rejaynayaa mustaqbalka in aan dhammaanteenna waddadaas wada mari doonno, waxaan sidaas si la mid ah diyaar u nahay in aan furno waddo kasta oo saaxiibbada kale ay ku soo mari karaan wadaadaan cusub.”
Doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxay muujinaysaa amniga magaaladda Muqdisho iyo nabadda ka jirta. Muqdisho maanta waxay ku istaagtay lugaheeda, waxayna u socotaa sidii ay ku gaari lahayd horumar iyo xasillooni amniyeed. Sannadaha soo socda waxaa la rejaynayaa in isbeddel ballaaran oo la taaban karo uu ku yimaado xagga doorashooyinka, maadaama dadka golaha degaanka ku tartamaya ay u badan yihiin dhallinyaro oo tamar badani ku jirto.
Doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxa ay barbillow fiican utahay doorashooyinka ka dhici doonaa dhamaan dalka Soomaaliyeed. Waxaa muuqda in laga wada guuri doono doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhici jiray oo loo guuri doono doorasho xor iyo xalaal ah ama qof iyo cod ah.