U bood dhigaalka

Boqortooyada Sucuudiga oo ka soo horjeesatay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda Soomaaliya, iyadoo mar kale ku celisay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Sacuudi Carabiya ay si adag u diidan tahay tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo ama lagu sameynayo is-afgaradyo is-dhaafsi ah oo dhex mara Israa’iil iyo maamul ku yaalla dhulka Soomaaliya, iyadoo arrintaas lagu tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo gooni-u-goosad ah kana hor imaneysa sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Sacuudi Carabiya waxay sheegtay inay ka soo horjeeddo isku day kasta oo lagu dhisayo hay’ado ama maamulo is barbar socda kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo wiiqaysa midnimada qaranka iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, Boqortooyadu waxay xaqiijisay taageerada joogtada ah ee ay siinayso hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.