U bood dhigaalka

Israa’iil oo si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26.12.2025, Maamulka Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsataySomaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland.

Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal.

Raysal Wasaaraha Dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Somaliland u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono Israel.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in 1991 ay ka baxday Soomaaliya inteeda kale balse wali dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aamisan in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya.