U bood dhigaalka

Masar, Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti oo si wadajir ah u diiday aqoonsiga Somaliland, kana digay halis ku wajahan Geeska Afrika

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdel Aati, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Turkiga iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, si ay uga wada hadlaan xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee sii xumaanaya ee ka taagan Geeska Afrika.

Intii lagu jiray wadahadallada, wasiirradu waxay si adag u cambaareeyeen kuna gacan sayreen tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah.

Waxay adkeeyeen taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo dhaawici karta madaxbannaanida Soomaaliya ama wiiqi karta xasilloonida dalka.

Sidoo kale, wasiirradu waxay muujiyeen taageerada hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya, iyagoo diiday isku-day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imanaya midnimada qaranka.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu xusay in aqoonsiga gooni-isu-taagga qaybo ka mid ah dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ka soo horjeeda mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxaa la adkeeyay in ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dalalku yahay tiir-dhexaadka xasilloonida nidaamka caalamiga ah.

Ugu dambayn, wasiirradu waxay si wadajir ah u diideen qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ee ka baxsan dhulkooda, iyagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi ay si buuxda u diidan yihiin inta badan dalalka caalamka, kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin.