Turkiga oo si adag u cambaareeyay tillaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland
Dowladda Türkiga ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga gobollada Somaliland ee sheegtay inay Soomaaliya ka go’een, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci-darro ah islamarkaana khalkhal gelinaysa xasilloonida gobolka.
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Oncu Keceli, ayaa Jimcihii sheegay in go’aanka Israa’iil uu yahay tusaale kale oo ka mid ah ficillada sharci-darro ee xukuumadda Netanyahu, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in lagu abuuro xasillooni-darro heer gobol iyo caalami ah, isagoo intaa ku daray in tallaabadan ay si cad uga dhex faragelineyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Keceli ayaa tilmaamay in tallaabada Israa’iil ay qayb ka tahay waxa Türkigu u arko siyasado fidin ah iyo dadaallo lagu horjoogsanaayo aqoonsiga caalamiga ah ee Dowladda Falastiin.
Wuxuu intaa ku adkeeyay in go’aannada ku saabsan mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Somaliland ay tahay in lagu gaaro hab ka tarjumaya rabitaanka dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Cambaareyntan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay Jimcihii si rasmi ah u sheegtay inay aqoonsatay Somaliland sidii dal madax-bannaan oo qaran buuxa ah.