DEGDEG: Soomaaliya oo Qaraar Adag ka soo Saartay Go’aanka Qar-iska-tuurnimada ah ee Israa’iil, Dunidana ugu Baaqday Ixtiraamka Midnimada Dalka
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraar adag ka soo saartay arrinta Somaliland, iyadoo si cad u sheegtay in aan marnaba la aqoonsan karin wax gooni-isu-taag ah oo ka dhan ah midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qaraarkan ayaa maanta ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka. Sida lagu dhawaaqay, 168 xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta qaraarka, halka 2 xildhibaan ay diideen, taasoo muujinaysa midnimo iyo isku aragti guud oo Baarlamaanka ah.
Qoraalka qaraarka ayaa si cad u xusay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin sharci, dastuur ama heshiis caalami ah oo oggolaanaya in la aqoonsado wax ka baxsan midnimada dhuleed ee dalka.
Sidoo kale, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka, dalalka deriska, iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in ay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Qaraarkan ayaa imanaya xilli ay jireen hadallo iyo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo la xiriiray aqoonsiga Somaliland, taasoo dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid khatar ku ah midnimada qaranka iyo nidaamka dowladnimada dalka.
Ugu dambeyn, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in midnimada dalka ay tahay arrin aan laga gorgortami karin, isla markaana Dowladda Federaalka ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo qarannimada Soomaaliya.