Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa ee Soomaaliya ka Dhacay Sanadkii tagey ee 2025
Sanadkii dhammaaday ee 2025 wuxuu ahaa mid xambaarsanaa dhacdooyin waaweyn oo isugu jiray guulo, caqabado, khilaafaad, iyo isbeddello istiraatiiji ah oo si qoto dheer u saameeyay jihada siyaasadeed, amni, dhaqaale, iyo diblomaasiyadeed ee dalka.
1) Isku-soo-dhowaanshihii Soomaaliya iyo Itoobiya
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu hadal-heynta badnaa sanadka 2025 ayaa ahaa dib-u-soo-celinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo is afgaradkii Soomaaliland ku colloobay.
Isku-soo-dhowaanshahan ayaa yimid ka dib heshiis ay labada dal ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaas oo meesha ka saaray xiisad diblomaasiyadeed oo muddo taagnayd.
Hoggaanka Soomaaliya ayaa ku adkeystay in haddii Itoobiya ka laabatay Is afgaradkii Soomaaliland, xiriirka labada dal uu si dhaqso ah u hagaago, ayadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar uu soo afjaray bilo is-mari-waa iyo dagaal diblumaasiyadeed ah ku tagey Addis Ababa.
2) Doorashooyinkii Muqdisho
Sanadka 2025, caasimadda Muqdisho waxaa ka dhacay doorashooyin qof iyo cod ah oo heer degmo iyo goleyaal deegaan ah, kuwaas oo loo arkay horumar ku yimid nidaamka dowlad-dhiska.
Doorashooyinka oo si nabadgelyo ah u dhacay ayaa waxaa ka qeyb-galay in ka badan 500 kun oo qof, tillaabadaas oo ahayd mid taariikhi ah islamarkaana indhaha caalamka soo jiidatay.
3) Dagaalladii Gobolka Gedo
Gobolka Gedo wuxuu noqday mid ka mid ah meelaha is hor-imaadyo badani ay ka dheceen sanadka 2025, waxayna iska hor-imaadyadaasi u dhexeeyeem ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Iska hor-imaadyada oo mararka qaar ay ciidamada Itoobiya ku lugleeyeesheen wxaa ku dhintay tobanaan qof, balse xiisaddu waxay ugu dambeyn qabowday markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud safar ku tagey magaalada Kismaayo, islamarkaana madaxweynaha Jubbaland uu la yeeshay wada-hadal aan natiijo muuqata lagu gaarin.
4) Heshiiskii Saciid Deni iyo Axmed Madoobe
Dhacdo siyaasadeed oo muhiim ah ayuu ahaa heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaas ku kala fogaaday doorashadii madaxtinnimada dalka ee sanadkii 2022.
Deni iyo Axmed Madoobe oo labada khilaaf ba’ani kala dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkii tagey heshiis ku gaaray dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayadoo markii dambe qeyb ka wada noqday golaha mustaqbalka Soomaaliyeed oo lagu aas-aasay magaalada Nairobi, kaas oo ay ku jiraan labada hoggaamiye iyo siyaasiyiinta mucaaradku.
5) Heshiiskii Soomaaliland iyo Puntland
Sanadkii tagey ee 2025 dhacdooyinkii laga diiwaangeliyay waxaa kamid ahaa heshiis isugu jiray maxaabiis is-dhaafsi iyo iskaashi dhinacyo badan oo dhex maray maamullada Soomaaliland iyo Puntland oo muddo ay xurguf Siyaasadeed ka dhexeysay.
Heshiiskan lama filaan ah ayaa dhacay ka dib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsi siisay maamulka Waqooyi Bari, iyadoo Puntland iyo Soomaaliland ay kala saxiixdeen is afgarad u muuqday mid meesha ka saaraya jiritaanka Waqooyi Bari.
6) Dagaalka ka dhanka ah Daacish
Sanadka 2025, dagaalka ka dhanka ah Daacish gaar ahaan buuraha Calmiskaad ee Puntland ayaa guulo badan laga gaaray, ayadoo Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay: burburinta saldhigyo muhiim ah, Dilka iyo qabashada dagaalyahanno, iyo Xoraynta deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Bari.
Dagaalka Buuraleyda Calmiskaad wuxuu ahaa tillaabo si weyn oo bogaadiyey oo Puntland ay kasbatay taageero gudaha iyo dibedaba ah, ayadoo dunidu ay ku baraarugtay in Soomaalidu haddii ay isku tashadaan ay cadow walba isaga filanyihiin.
7)Shidaal qodista iyo khayraadka dabiiciga ah
2025 wuxuu ahaa sanad horumar laga sameeyay sahminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan badda Soomaaliya oo dowladda Turkigu ay ka bilowday dadaal lagu sahminayo shidaalka, islamarkaana lagu daraasaynayo sidii loo soo saari lahaa.
Tallaabadaasi waxay abuurtay rajo dhaqaale iyo hormar, ayadoo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u soo dhoweeyeen, inkastoo ay siyaasiyiinta qaarkood si kale u fasireen.
8) Markabkii hubka ee Puntland qabsatay
Ciidamada Puntland ayaa qabtay markab hub siday, kaas oo ka yimid dhinaca Turkiga, balse maalmo is-mari-waa siyaasadeed ah ka dib xukuumadda Puntland iyo safaaradda Turkiga ayaa ku heshiiyay in marabkaas oo Muqdisho ku socday la fasaxo.
9) Barnaamijka E-Visa
Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelisay E-Visa, taas oo fududeysay:Dal-ku-galka,
Ganacsiga, Dalxiiska, iyo kororka dakhliga socdaalka, balse Soomaaliland iyo Puntland ayaa si weyn u diiday Barnaamijkaas, taas oo keentay khilaaf isku badelay dagaal maamulka hawada ah.
10) Dhulalka Danta Guud ee Muqdisho
Sanadkii tagey ee 2025 iyo kii ka horreeyay ee 2024 dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadkii deganaa ka saartay dhulal badan oo dan guud ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen xarunta Dab-damista, Tarabuunka, Xero Kalluun, Soona-kay, Jaamacadaha, Shiirkole, Siinay, Cuuryaamiinta, warshadaha, xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo goobo kale.
Burburta dhulalkaas oo muddo deegaan u ahaa kumanaan qoys waxay kamid ahayd arrimihii ugu xasaasisanaa ee dalka ka dhacay bilihii la soo dhaafay, balse dowladdu waxay sheegtay in bilicda caasimadda lagu dadaalayo, islamarkaana dadkii goobahaas laga saaray qaarkood dib loogu sharciyeeyay, qaarna dad kale ay maalgashadeen.
Burburta dhulalka danta guud Inkastoo ay buuq badan abuurtay, haddana bilic ahaan caasimadda wax badan ayaa iska badelay oo dib u dhis xoog leh ayaa lagu sameeyay goobihii dadka laga saaray, taas oo hoos u dhigtay dooddii lagu diidanaa tillabadaas.
11) Bannaanbaxyadii Boorama
Magaalada Boorama waxaa dhowaan ka dhacay bannaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday bandhiggii Buugga Xeer Ciise oo la doonayay in lagu qabto magaalada Qadiimiga ah ee Saylac, waxayna rabshadah arrintaas ka dhashay oo maalmo socday sababeen dhimashada tobanaan qof iyo burbur hantiyeed.
12) Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland
Dhammaadkii sanadkii la soo dhaafay maamulka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliland oo in ka badan 30 sano dedaal ugu jirtay sidii ay ku noqan lahayd dal madax-bannaan, balse tillaabadii ay Talaabiib qaaday ayaa la kulantay diidmo xooggan iyo xiisad diblumaasiyadeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan ururrada iyo dalalka dunida ayaa tillaabadaas si weyn uga soo horjeestay, balse Xukuumadda Netanyahu oo dan gaar ah ka leh Geeska Afrika ayaa weli ku taaggan go’aankeeda xadgudubka ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka