U bood dhigaalka

OIC: Dalalka Islaamka oo Taageero Weyn u Muujiyay Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya

Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday, iyadoo dalalka xubnaha ka ah ururkaasi ay muujiyeen taageero ballaaran oo ay u hayaan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, OIC waxa ay si adag u cambaareysay tallaabo kasta oo lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsi kasta oo loo fidiyo Somaliland, iyada oo arrintaasi lagu tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaa’diida lagu dhisay nidaamka caalamka.

Ururku waxa uu caddeeyay in aanu marnaba aqbali doonin faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya ama wax kasta oo halis gelinaya midnimadeeda qaran.

Goluhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocan ah ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana ay abuuri karaan xiisado hor leh oo gobolka saameyn taban ku yeesha.

Dalalka xubnaha ah ayaa muujiyay midnimo iyo mowqif mideysan oo ku aaddan in la difaaco madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah ee dalalka.

Kulanka ayaa la filayaa in uu soo saaro go’aanno iyo tallooyin mideysan oo lagu xoojinayo mowqifka Islaamka ee arrinta Soomaaliya, isla markaana lagu adkeynayo in la dhowro sharciga caalamiga ah iyo qiyamka wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah OIC.