U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay inay Tillaabo  kasta oo suurtagal ah adeegsan doonto si ay uga hortagto Xadgudubka Israa’iil

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inay diyaar u tahay in ay tillaabo militari ka qaaddo xadgudub kasta oo ka yimaada Israa’iil, ka dib markii ay jirto xiisad ku saabsan faragelinta arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay Telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya lagu xadgudbay, islamarkaana ay difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dalka u adeegsan doonaan awood kasta oo suurtagal ah.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in qawaaniinta caalamiga ah iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ay siinayaan dowladda awoodda ay dalkeeda uga ilaaliso faragelin kasta oo dibadda ka timaadda, islamarkaana ay tillaabo kasta oo suurtagal ah qaadayaan.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan noqon doonin dal garbaha duuban, islamarkaana ay jawaab adag ka bixin doonto haddii ay Israa’iil cagta soo dhigto taago kamid ah dhulka Soomaaliya.