Maxaan ka ognahay Heshiisyadda Imaaraadka Carabta kula jiray Puntland, Somaliland iyo Jubaland?
Muddo ka badan toban sano, Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) waxay xiriirro toos ah la yeelanaysay maamullo ka tirsan Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland, Puntland iyo Jubaland, iyada oo heshiisyadaasi inta badan la xiriireen dekedaha, amniga, difaaca iyo maalgashiga dhaqaale.
Heshiisyadan ayaa marar badan dhaliyey muran siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamul-goboleedyada, iyadoo DFS ay ku tilmaantay kuwo ku xadgudbaya madax-bannaanida iyo midnimada qaranka.
Qaraarka maanta ee Golaha Wasiirrada Federaalka ee lagu buriyey dhammaan heshiisyadii UAE la gashay Soomaaliya ayaa dib u soo nooleeyey doodda ku saabsan heshiisyadaasi iyo saameyntooda.
Somaliland
Somaliland ayaa ahayd maamulka ugu weyn ee Imaaraadku la galay heshiisyo istiraatiiji ah. Heshiiska ugu caansan wuxuu ahaa kan DP World ku maamuleyso dekedda Berbera, kaas oo ujeedkiisu ahaa horumarinta dekedda iyo kordhinta ganacsiga gobolka.
Sidoo kale, UAE waxay Somaliland la yeelatay iskaashi amni iyo mid milatari, oo ay ka mid ahaayeen tababarro ciidan iyo taageero qalab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiisyadan u aragtay kuwo si dadban u xoojinaya dadaallada Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah, arrintaas oo DFS ay si adag uga hortimid.
Puntland
Puntland ayaa sidoo kale gashay heshiisyo la xiriira horumarinta dekedda iyo maalgashi ay hoggaaminayso DP World. Heshiisyadan waxaa lagu daray taageero amni, gaar ahaan la dagaallanka burcad-badeednimada iyo sugidda amniga badda.
Dhaqaalaha ay Dowladda Imaaraadka Carabta ku bixin jirtay ciidanka Puntland, gaar ahaan Puntland Maritime Police Force (PMPF), wuxuu si weyn ugu wajahnaa mushaharka, tababarrada, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka.
PMPF oo la aasaasay sanadihii 2010–2011 ayaa lagu qiyaasaa inuu ka kooban yahay ku dhawaad 2,000 askari, kuwaas oo inta badan mushaharkooda iyo kharashaadkooda hawlgal si toos ah ama dadban uga imanayeen Imaaraadka Carabta.
Dhaqaalahan waxaa lagu dabooli jiray mushaaraadka askarta, tababarro ay bixinayeen khubaro shisheeye, iyo keenista qalab ciidan oo ay ka mid yihiin doonyaha ilaalada xeebaha, gaadiidka gaashaaman, hubka iyo rasaasta, iyo qalabka isgaarsiinta.
Intaas waxaa dheer, Imaaraadku wuxuu taageerayay kharashaadka saadka sida shidaalka, dayactirka qalabka, iyo dhismaha xeryo ciidan oo gaar ah, taasoo PMPF ka dhigtay ciidan leh awood dhaqaale iyo hawlgal oo ka madax-bannaan nidaamka miisaaniyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inkasta oo Puntland ay heshiisyadan ku tilmaantay kuwo horumarineed, DFS ayaa sheegtay in aysan oggolaan heshiisyo ku saabsan ilaha dhaqaale iyo amniga qaranka oo aan oggolaansho federaal helin, taas oo sii hurisay khilaafka u dhexeeya labada dhinac.
Jubaland: Taageero Amni iyo Saameyn Siyaasadeed
Heshiisyada Imaaraadka iyo Jubaland ma aysan ahayn kuwo si weyn loo shaaciyey sida kuwa Somaliland iyo Puntland, balse warbixino kala duwan ayaa tilmaamay in UAE ay Jubaland siisay taageero amni, tababar ciidan iyo gargaar milatari.