Masiibada Abaarta ee Soomaaliya iyo Hagardaamada Hay’adda SODMA
Xaaladda abaaraha ee Soomaaliya waxay gaartay meel halis ah oo ka baxsan xadka adkeysiga bani’aadannimada.
Marka la eego warbixinnada ugu dambeeyay ee laga helayo hay’adaha caalamiga ah ee ku takhasusay xogta macluumaadka, waxaa muuqata in Soomaaliya ay ku jirto xaalad masiibo ah oo is-biirsatay. Sida ay sheegtay UN OCHA (Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay), in ka badan 8 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo abaartu ay si gaar ah u tirtirtay laf-dhabartii nolosha ee miyiga ee Xoolaha.
Warbixinnada ka soo baxaya FSNAU (Unugga Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada) ayaa xaqiijinaya in xoolaha dalka oo ah hantida keliya ee ay dadka miyigu leeyihiin ay u dhimanayaan baahi iyo haraad si aan horay loo arag.
Gobollada sida Gedo, Bakool, iyo qeybo ka mid ah Puntland, waxaa la soo sheegayaa in xoolaha dhimanaya ay boqolkiiba 30% ka badan yihiin sidii la arki jiray xilliyadii hore, taas oo macnaheedu yahay in qoysas badan ay gabi ahaanba cayrtoobeen.
Dhibaatadu kuma koobna oo keliya xoolaha dhimanaya, balse waxaa barbar socda nafaqo-darro ba’an oo haysa in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah, sida ay sheegtay hay’adda UNICEF.
Iyadoo xogtan naxdinta leh ay miiska taal, haddana waxaa soo baxaya weji kale oo murugo leh, kaas oo ah habacsanaanta iyo maamul-xumada hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA. Inkasta oo hay’addan loo abuuray inay dalka ka samatabbixiso masiibooyinka, haddana waxay noqotay caqabad hor-taagan in gargaarku gaaro meelaha ay xooluhu ku bakhtinayaan iyo halka ay carruurtu macaluusha ugu dhimanayaan.
Dhaliisha ugu weyn ee loo haysto SODMA, oo ay badanaa hoosta ka xariiqaan indha-indheeyayaasha gudaha iyo warbixinnada madax-bannaan, ayaa ah inay ku fashilantay xiriirinta gargaarka iyo helitaanka xog dhab ah oo laga soo xigtay gobollada ka fog Muqdisho. Halkii SODMA ay isticmaali lahayd xogta farsamada leh ee ay soo saaraan hay’adaha sida WFP iyo FAO, waxay hay’addu u muuqataa mid ku mashquulsan tartanka sumcad-raadiska (PR) iyo sawirro lagu soo bandhigo baraha bulshada oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka.
Waxaa jira madmadow weyn oo ku xeeran qaabka loo maareeyo miisaaniyadda iyo deeqaha loo soo dhiibo, iyadoo dad badani aaminsan yihiin in gargaarku uu ku dhex lumo nidaam xafiiseed oo musuqmaasuq iyo eex ku dhisan, halkii loo weecin lahaa badbaadinta nolosha dadka dhimanaysa.
Ugu dambeyntii, halka ay UNHCR soo warisay in ka badan hal milyan oo qof inay ku barakaceen abaaraha, SODMA weli ma hayso qorshe lagu dejinayo dadkaas ama lagu gaarsiinayo adeegyo waara. Habacsanaanta hay’addan waxay keentay in beesha caalamku ay kalsoonidii kala noqoto hay’adaha dowladda, iyadoo gargaarkii loo sii marinayo hay’ado shisheeye. Tani waxay dhabar-jab ku tahay qarannimada Soomaaliya iyo nidaamka dawladnimo ee looga fadhiyay inuu daryeelo muwaadinkiisa xilliga dhibka. Haddii aan SODMA lagu sameyn dib-u-habayn dhab ah oo lagula xisaabtamayo xogta iyo gargaarka ay maamusho, dhimashada xoolaha iyo tan dadkuba waxay sii ahaan doontaan kuwo aan laga soo kabsan karin.