SAFARKAYGII UGU HORREEYAY EE MAGAALADA MIDNIMADA EE LAASCAANOOD: DAD IYO DAL BARASHO
WQ: Maxamuud Xaamud Maxamuud Badle
Falanqeeye Siyasadeed
Hordhac:
Waxaan ka duulay garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan-Cade, anigoo ku wajahan magaalada Laascaanood oo markaas ahayd Caasimada Khaatumo. Waxay ahayd maalin Khamiis ah, taariikhduna tahay 10kii Luulyo 2025kii. Gegida magaalada Laascaanood baan ka degay, anigoo hore u galay magaalada. Waxaan sii dhex maray laamiga dheer ee magaalada dhex mara, halkaasoo aad ka arki karto inay magaaladu tahay magaalo camiran oo dad badani ku noolyihiin.
Waxaa la i dejiyey hotel hore la iigu sii qabtay oo ahaa kuwii ergooyinka maamuldhiska loo qabanayey, intaas ka dibna waxaan iska gudagalay shaqooyinkii iyo iskudarkii Khaatumo iyo Maakhir oo markii la iskudaray noqday maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari.
Milicsi Taariikheed:
Magaalada Laascaanood qarnigii 17-18aad waxay ahayd ceelbiyood laga cabo, halkaasi oo ay u soo aroori reerguuraagii dhulkaas ku noolaa, waana halka uu ka yimid magaca magaalaada oo ah Laas oo looga jeedo ceel, iyo caano oo looga jeedo caanaha xoolahaas…marka la iskudarana noqonaya Laascaanood.
Qarnigii 19aad waxaa bilaabmay in degaanku u kobco sidii tuulo ganacsi oo ay maraan safarrada xoolaha iyo ganacsiyada u kala socda Berbera, Nugaal iyo Hawd, halka intii u dhexaysay qarnigii 19-20aad ay noqotay xarun muhiim ah oo ay ku hirdamayeen Daraawiishta iyo ciidamadii Ingiriiska, taas oo u beddeshay magaalo si buuxda u shaqaysa.
Sannadkii 1984 Xukuumaddii xilligaas ayaa Sool u aqoonsatay gobol, waxaana caasimad looga dhigay Laascaanood. Burburkiina waxay ahayd magaalo ay ku loolamaan maamullada Soomaalilaan iyo Buntilaan, walow markii danbe Soomaalilaan gacanta ku haysay intii u dhexaysay 2007-2023, markaas oo ugu danbayn dhacay dagaal looga soo horjeeday Soomaalilaan, laguna dhisay maamulkii Khaatumo oo ay lahaayeen aragtideeda dadka degaanku. Ugu danbayn, wakhtigan la joogo, waa caasimada maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari oo ka dhalatay iskudarkii Khaatumo iyo Maakhir.
Xaaladda Laascaanood ee Maanta:
Aragtida aan ka haystay Laascaanood inay tahay magaalo meeldhexaad ah, laakiin markii aan tegay waxaa aan arkay magaalo weyn oo u qalanta caasimad inay noqoto, iyadoo ku ay ku hareeraysan yihiin buuro, haddana oo magaaladu ku kala faafsan tahay, waxaana ka socda horumar badan oo dadka degaanku gashanayeen, maadaama ay ka soo kabanaysay dagaalladii lagu galay.
Magaalada Laascaanood marka aad maqasho waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya Daraawiish, Sayid Maxamed; Bohollaha Xargaga, Ceelbiyood, Goojacade iyo waxyaabo kale oo badan. Haddaba, magaalada laascaanood waxay xaafadaheedu u kala baxaan Buurta Sayidka, Horseed, Wadajir, Shacabka, Heegan, Golbarkad, Yagoori-Carootay , Madareemin, New Laascaanood, Dhiif, Ex-control, Saamaley, Daami, Bishacas iyo Farxaskule.
Arrimaha Wanaagsan ee Bogaadinta Mudan:
- Inay tahay magaalo soo dhowayn oo dadka deggani yihiin dad wanaagsan, kuna wanaagsan soo dhowaynta iyo martigelinta cid walba oo xiisanaysa Laascaanood, ha noqoto ganacsi, dalxiis ama degaan.
- Inay tahay magaalo amni ah oo si walba la isugu halayn karo dadka degaankanu amnigeeda qeyb weyn ka yihiin, taasi oo aad arkayso inuu ka jiro amni buuxa.
- In magaaladu cagta saartay dhanka horumarka oo ay ka muuqato ganacsi xawli ku koraya, dhismayaal badan oo ka socda iyo dawladnimo ka hanaqaadday.
- Magaalo ay joogaan dhalinyaro aad wax u baratay oo ah mufakiriin aan isleeyahay dalka iyo dadkaba wax badan oo horumar ah ayay ku soo kordhin karaan, waa haddii laga faa’iidaysto e.
- Waa magaalo caan ku ah caanaha iyo hilibka geela, taas oo aad helayso sannadkii oo dhan, weliba caanaha, iyadoo si heer sare ah loo diyaariyay oo caagado warshadaysan ku jira.
- Inay tahay magaalo istiraatiji ah oo isku xirta inta badan dalkeenna Soomaaliya.
- Waa magaalo suugaan-dhaqameed leh oo aad ku arkayso dhawrkii qofba in laga heli karo qof suugaanyahan ah ama gabyaa ah. Sidoo kale, waa magaalo xiriir fiican la leh xooladhaqatada.
- Magaalo leh taariikh darwiisheed oo ay ku suntan yihiin dadka degaankaas, waxaana ku taal Buurta Sayidka.
Gaabiska Jira ee u Baahan in la Buuxiyo:
- Waddooyin waaweyn oo magaladaa isu-socodkeeda hagaajiya iyo waddooyin xaafadeed oo yaryar, kuwaasi oo qeyb ka noqda isusocodka iyo quruxda ama bilicda magaalada.
- Dhirayn badan in lagu sameeyo, weliba laga dhigo guri iyo geed, si ay u soo baxdo quruxda iyo bilicda magaaladu, maadaama ay magaaladu ku hareeraysanyihiin buuro, taas oo dhulku noqonayo mid dhagax ah oo qalayl ah.
- Cisbitaallo casri ah iyo adeeg caafimaad oo heer sare ah inay hesho magaaladu, maadaama ay si fiican u korayso, bulshaduna sii kordhayso.
- Suuqyo iyo ganacsiyo casri ah oo sara-u-qaada koritaanka dhaqaale ee magaalada iyo bulshadeeda.
- Shaqa-abuuris in loo sameeyo dhallinyarta, si xooggooda iyo waxsoosaarkoodu u galo magaalada iyo degaanka oo laga faa’iidaysto maskaxdaas caafimaadka qabta ee caabboon, soona koraysa.
- Kaydinta biyaha roobka iyo in degaanada ku dhowdhow laga sameeyo haamo biyaha kaydiya, si looga faa’iidaysto beershada iyo magaalada lafteeda amaba xooladhaqatada ku dhowdhow dhulkaas.
- In kor loo qaado dalxiiska oo la sameeyo booqashada dhulka taariikhiga ah sida: Bohollaha Xargaga, dhulkii Daraawiishta iyo beero dalxiiso oo cusub in laga hirgeliyo degaanka magaalada ku xeeran.
- Dhinacyada magaalada ama degaannada u dhowdhow in laga hirgeliyo dhulbeereed magaaladu quudato amaba loo iibgeeyo degaannada kale ee Soomaalida.
Gabagabo:
Ugu danbayn, magaalada Laascaanood oo ahayd magaalo aan ka helay joogitaankeeda oo aan ku sugnaa muddo 5 bilood ah. Wakhtigaas oo ah dawladdhiskii maamulgoboleedka Waqooyibari oo aan dhismihiisa goobjoog u ahaa. Anigoo sii jeclaysanaya sii joogitaanka Laascaanood ayaan dib ugu soo safray oo ku soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo aan markii hore ka soo safray.
Maanta laascaanood waa magalada midnimada Soomaalida, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey caleemasaarkii maamulgoboleedka Waqooyibari. Waxay ii ahayd dad iyo dal barasho, maamuldhis iyo wakhti qurux badan.