U bood dhigaalka

Bil ka dib Aqoonsibeenaadkii Israa’iil: Somaliland oo Wajahday Go’doon, Canbaarayn iyo Fashil Siyaasadeed

Hal bil ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga ay siisay maamulka Somaliland, balse tallaabadaasi waxay si degdeg ah u wajahday dhaliil ballaaran, diidmo caalami ah iyo cawaaqib siyaasadeed oo aan la saadaalin. Halkii laga filayay in aqoonsigaasi noqdo albaab u furma isbeddel diblomaasiyadeed, waxa uu isu beddelay arrin sii fogaysay Somaliland, isla markaana culays cusub saartay Israa’iil lafteeda.

Israa’iil ayaa la kulantay canbaarayn xooggan oo kaga timid dawlado badan oo caalamka ah, kuwaas oo si cad u sheegay in aqoonsiga Soomaalilaan uu ka hor-imanayo mabaadi’da caalamiga ah ee ku dhisan midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta iyo dalal saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa muujiyay walaac iyo diidmo, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid qalalaase hor leh ka abuuri karta Geeska Afrika.

Bil ka dib, wax dal kale oo ku soo biiray Israa’iil aqoonsiga Soomaalilaan ma jirin. Taasi waxay si cad u muujisay in go’aanka Israa’iil ahaa mid go’doon ku jira, isla markaasna aan helin taageero caalami ah.

Dalalka waaweyn ee dunida, gaar ahaan kuwa reergalbeedka, ayaa ka gaabsaday inay taageeraan, iyagoo ku adkaystay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya iyo xallinta arrimaha Soomaalilaan oo kaliya loo marayo wadahadal siyaasadeed.

Dhinaca Somaliland, rejadii laga qabay in aqoonsiga Israa’iil uu keeni doono maalgelin, xiriir diblomaasiyadeed iyo fursado dhaqaale ayaa si degdeg ah u daciiftay. Bil gudaheed, wax isbeddel la taaban karo ah oo dhinaca dhaqaalaha, amniga ama xiriirka caalamiga ah ah lama arag, taas beddelkeedana waxa kordhay walaaca ah in tallaabadaasi ay Soomaalilaan gelisay xaalad sii go’doominaysa.

Falcelinta caalamka ayaa sidoo kale muujisay in dawladaha adduunka intooda badan ay u arkaan arrinta Somaliland mid xasaasi ah oo aan lagu xallin karin go’aan hal dhinac ah. Sidaas darteed, aqoonsigii Israa’iil ayaa noqday mid fashilmay marka la eego ujeeddooyinkii laga lahaa, isla markaasna u beddelay labadii dhinacba Israa’iil iyo Soomaalilaan culays siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed.

Gabagabadii, bil kadib, sawirka guud wuxuu muujinayaa in aqoonsi-beenaadka Israa’iil uusan keenin isbeddel togan, balse uu horseeday cambaarayn, go’doon iyo fashil siyaasadeed oo si cad uga muuqda masraxa caalamka. Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, waxa muuqata in tallaabadaasi ay noqotay mid ka mid ah go’aannadii diblomaasiyadeed ee ugu muranka badnaa sannadkan.