U bood dhigaalka

Waa kuma Khabi Lame: Ninka Aamusan ee ugu Saameynta badan Isticmaalayaasha Barta TikTok?

Iyadoo uusan hal erey ku dhawaaqin, ayuu Khabi Lame noqday mid ka mid ah dadka ugu saamaynta badan dunida casriga ah.

Wiil 25 jir ah oo ku dhashay Senegal, balse ah qurbajoog ku nool Talyaaniga, ayaa si aamusan u saxiixay heshiis ganacsi oo taariikhi ah, kaas oo ku kacaya ku dhowaad hal bilyan oo doolar, taasi keliya waxay maangal tahay mararka qaar oo aamusnaantu ka xoog badan tahay hadal kasta.

Khabi Lame wuxuu dhashay 9kii Maarso 2000, wuxuuna carruurnimadiisii ula guuray qoyskiisa dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku soo barbaaray nolol caadi ah, isagoo ka shaqayn jiray warshad.
Noloshiisu waxay si lama filaan ah isu beddeshay markii uu shaqadiisii waayay intii lagu jiray cudurkii COVID-19, balse halkii uu niyadjabi lahaa, Khabi wuxuu doortay waddo kale: inuu hal-abuurkiisa ka dhigo ka miradhalinta rejadiisa.

Wuxuu bilaabay inuu sameeyo muuqaallo aamusan oo si kaftan leh u muujinaya sida dadku mararka qaar wax fudud ugu adkeeyaan.

Isagoo aan hadlin, ayuu isticmaalay wejigiisa, gacmihiisa iyo muuqaalkiisa si uu fariin caalami ah u gudbiyo, qaabkan gaarka ah ayaana si degdeg ah u taabtay quluubta malaayiin qof, taas oo Khabi ka dhigtay xiddig caalami ah.

Muddo gaaban gudaheed, taageerayaashiisu waxay gaareen boqollaal milyan, ilaa uu noqday qofka ugu taageerayaasha badan TikTok, isagoo haysta ku dhowaad 360 milyan oo qof oo raacsan barihiisa bulshada ee kala duwan. Caanimadiisu kuma koobnaan majaajilo oo keliya, balse waxay isu beddeshay awood ganacsi oo weyn.

Guushan ayaa ugu danbayn horseedday heshiis taariikhi ah oo qiimihiisu yahay ku dhowaad 900 milyan oo doolar. Khabi wuxuu iibiyay saamiga ugu weyn ee shirkaddiisa Step Distinctive Limited, taas oo ay iibsatay Rich Sparkle Holdings.

Sida heshiiska ku cad, shirkadda wax iibsatay waxay heshay xuquuq ganacsi oo gaar ah muddo saddex sano ah, halka Khabi uu sii haystay 49% saamiga, si uu weli uga mid ahaado go’aamada mustaqbalka.
Heshiiskaasi ma ahayn mid caadi ah; wuxuu watay qodob casri ah oo oggolaanaya in la sameeyo nuqul dijitaal ah oo Khabi ah, kaas oo ku shaqaynaya garaadka macmalka ah.

Nuqulkan ayaa awood u yeelan doona inuu ka soo muuqdo xayeysiinno caalami ah, u qabto baahin toos ah oo luqado badan ah, xitaa iyadoo uusan Khabi si shaqsi ah u joogin.

Falanqeeyayaal dhaqaale ayaa qiyaasaya in dakhliga laga heli karo arrimahan uu gaari karo ilaa afar bilyan oo doolar sannadkii.

Maanta, sheekada Khabi Lame waa mid ka tarjumaysa jiilka cusub: wiil shaqo waayay, balse aan rejo waayin; qof aan hadlin, balse dunida oo dhan la hadla; qof ka yimid duruufo caadi ah, balse isu beddelay astaan caalami ah. Waa sheeko caddeyn u ah in hal-abuurka, dulqaadka iyo fahanka dadku ay mararka qaar ka miisaan culus yihiin cod kasta oo dheer.