Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Laashay Waarankii iyo Dacwaddii ka Dhanka ahayd Axmed-Madoobe
Muqdisho – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u laashay dacwaddii iyo waarankii maxkamadeed ee hore loogu soo oogay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), sida ku cad go’aan maxkamadeed oo ku taariikheysan 29ka Janaayo 2026..
Go’aanka oo ka soo baxay Qeybta Ciqaabta ee Maxkamadda Gobolka Banaadir, kuna lifaaqan summadaha dacwadaha MGB/DCL/1531/2024 iyo MGB/BQ/97/2026, ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay tixgelisay dhammaan warqadaha sharci ee la hor keenay, isla markaasna ay ku dhaqantay qodobbada Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo dastuurka dalka.
Maxkamaddu waxay caddaysay in:
- La joojiyay galdacwadeedkii ciqaabta ee ku furnaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe).
- La baabi’iyay amaradii soo qabashada iyo hor-keenista maxkamadeed ee horey loo bixiyay.
- Dhammaan tallaabooyinkii sharci ee la xiriiray dacwaddaas ay noqdeen kuwo aan sii socon karin.
Go’aanka maxkamadda ayaa, sidoo kale, xusay in ay tixraacday qodobbada Qod. 70/1 Xarafka B/2 iyo Qod. 76 ee XHCS, kuwaas oo awood u siinaya maxkamadda in ay ka laabato amarro hore haddii ay aragto sabab sharci ah.
Ugu danbayn, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid dhaqangal ah laga bilaabo 29/01/2026, isla markaasna uu soo afjarayo dhammaan dacwaddii ciqaabta ahayd ee kiiskan la xiriirtay.
Go’aankan ayaa imanaya ka dib muddo uu muran sharci ka taagnaa kiiska, waxaana hadda si rasmi ah loo soo xiray dacwaddii Maxkamadda Gobolka Banaadir.