U bood dhigaalka

Warbaahinta Israa’iil oo Fadeexad Kala Kulantay War Been-abuur ah oo ay ka faafisay Dibadbaxyadii Iiraan

Warbaahinta Israa’iil ayaa wajahaysa fadeexad weyn ka dib markii mid ka mid ah kanaalladeeda ugu waaweyn uu si khaldan u baahiyay war ku saabsan dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay Iiraan.

Warkaas oo lagu soo bandhigay sawirro iyo xog aan la hubin, ayaa si degdeg ah u noqotay mid si weyn loogu dhaliilay baraha bulshada, taasoo su’aalo adag ka keentay hufnaanta, hubinta xogta, iyo anshaxa saxaafadeed ee warbaahinta Cibraaniga Israa’iil.

Kanaalka 12aad ee Israa’iil, oo ka mid ah warbaahinta ugu daawashada badan, uguna saamaynta badan, isla markaasna lagu tilmaamo mid leh kalsooni iyo saameyn ballaaran, ayaa baahiyay war sheegaya in afar qof oo Yuhuud ah oo ku noolaa Iiraan lagu dilay dibadbaxyadii halkaas ka socday.

Warbixintaasi waxay si gaar ah u xustay Nooya Sahyon, oo ah haweeney Israa’iili ah, kuna shaqaysa sawirqaade, baraha bulshadana caan ka ah, isla markaasna maamusha akoonnada fanaaniin iyo dad caan ah oo Israa’iili ah.

Kanaalka ayaa si cad u sheegay in Nooya Sahyon lagu dilay mudaaharaadyada, isagoo intaas ku daray in tirada Yuhuudda la dilay ay ka badan karto inta la shaaciyay, warkaas ayaana si xawli ah ugu faafay gudaha Israa’iil, isaga oo abuuray dareen murugo, caro iyo walaac ah, maadaama Nooya ay ahayd qof si weyn looga yaqaan baraha bulshada.

Saacado yar ka dib, lamafilaan ayay uga soo hadashay akoonnada rasmiga ah ee Nooya Sahyon, iyadoo baahisay muuqaal ay si cad ugu sheegayso inay nooshahay, kuna sugan tahay gurigeeda.

“Waxani waa wax aanan marnaba filayn inay noloshayda igu dhacaan… Waan noolahay, gurigayga ayaan joogaa” ayay tiri Nooya Sahyon
Intaa kaddibna, waxay qoraal ku daabacday barteeda Instagram-ka oo ay ku tiri:

“Anigu waxaan ahay Nooya Sahyon, waxaan ‘dhintay’ muddo 24 saacadood ah, haddana waan soo laabtay si aan u sheego sheekadayda.”

Inkasta oo la filayay in kanaalka Israa’iil ee warka faafiyay uu bixiyo raalligelin cad ama uu qirto khaladka, haddana taas ma dhicin, halkii ay sixi lahaayeen khaladkooda, waxay sheegeen in sawirrada iyo xogta ay kasoo qaateen baraha bulshada.