KADDARE MUXUU KU TILMAANNAA?
WQ: Bilaal Qaasin Fiqi (Aar)

“Taariikhdu dadkay bartaa
Dunida waayaheeda.”—Hees Hore
Sooyaalku waxa uu marag iyo markhaati u yahay tagtadii toolmoonayd, waayihii la soo maray, dharaarihii wacnaa iyo hayaankii lagu soo hodmay. Marka aan rabno inaan wax ka ogaano waxa aan nahay, waa inaan u noqonno ummad aayaheeda u adeegaysa oo aan taariikhdeenna wax ka barannaa.
Qof kasta oo dadaalay oo bulshadiisa wax taray wuxuu, nolol iyo geeriba, mudanyahay in la maamuso oo magaciisa la waariyo, wax kalaba ha joogtee. Qaaraanka ummadeed ee uu qofkaasi dadkiisa gashaday iyo abaalka uu taartay dartood, wuxuu ku istaahilaa in aan milgayntiisa iyo xuskiisa, marnaba, laga daalin—oo si loo weyneeyo, inta ugu badan la hadalhayo. Noloshiisa gaarka ahayd, sooyaalkiisa tacliineed ama shaqo, waxsoosaarkiisa aqooneed iyo waxqabadkiisa kalaba ma geyaan in sahal loo hilmaamo oo loo arko, sida uu qoraa Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed jeer sii horraysay qoray: “Nin(kii) iska dhintay!”
Waxa ugu weyn ee aan dadkaas ku maamusi karnaa waa waxqabadkoodii oo la qaadaadhigo oo la weeleeyo raadkoodii wanaagsanaa, isla mar ahaantaasna la gorfeeyo dhaxalkii ay uga tageen ummaddooda. Bulsho kasta oo tixgelisa hormuudkeeda iyo labeenteeda waxa hubaal ah in ay ku tallaabsanayso dhabbaha guusha waarta iyo qarannimada taabbagalka ah.
Waa Kuma Kaddare?
“Halka Deyr waqtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Kaddaraa u magacbixin.”— Maxamed-Hadraawi I. Warsame: Dibedyaal
Xuseen Sheekh Axmed Hilowle, oo Kaddare loo garan ogyahay, waxa uu ahaa: afyaqaan leh far xerudhalad ah oo isaga u gaar ah; aftahan leh codkarnimo gaasabaxday; qoraa qalin macaan; saxafi barnaamish-soosaare ah; siyaasi dhiggiis ka sheeggan oo nabaddoonnimo ku tilmaaman; iyo dugsi suugaaneed oo gaar ah. Si aad u xaqiiqsato cabqarinimada tilmaaman ee aan caadku saarnayn, u dhabbagal maansooyinkiisa dhab-ka-hadalka ah iyo sheekadiisa Warsame iyo Waasuge ee anuugga ah (masterpiece).
Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo ku magacdheeraa “Kaddare” waxa uu hilaadda 1934tii ku dhashay magaalaxeebeedda guunka ah ee Cadale—oo dhacda gobolka Shabeellaha Dhexe. Halkaas ayuu ku koray, ku kacaamay oo ku kaalingalay. Dugsi Quraanka ayuu ka galay, isla degmada Cadale, wuxuuna markii danbe u soo wareegay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Isla magaalada Muqdisho ayuu tacliinta kale ee dhexe iyo ka bilaabay—isaga oo 1947dii ku biiray iskuul Talyaanigu maamuli jiray oo “Cardinale Masaea” magaciisu ahaa.
Waxa uu ahaa hawlkar firfircooni badan oo dhiirran, waxayna taasi geyaysiisay in uu bilowgiiba la qabsado carcarta halgankii siyaasiga ahaa ee gumaysi-la-dirirka, isaga oo xubin ka noqday Xisbigii Dhallinyarada ee SYL (Somali Youth League).
Maanta oo ay ku beegan tahay kow-iyo-tobansannaguuradii ka soo wareegay maalintii uu geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Dr. Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare), waxaan xuskiisa ku weynaynaynaa isxusuusinta waxqabadkii macnaha badan lahaa ee uu hormarsaday iyo raadkiisa cilmiyeed ee uu bulshadiisa uga tagay.
***
Intaas ka dib, marka kowaad, Kaddare waxa uu ahaa “afyaqaan” dhab ah oo lahaa far uu isagu curiyaheeda yahay. Sidoo kale, “indheergarad” bulsho ayuu ahaa, oo dareen ummadeed leh; marka saddexaadna, wuxuu ahaa suugaanyahan baarka sare ah oo laamaha magoolay ee suugaanta meel sare ka goosta. Sidaas darteed, aan isdultaagno kaalintii uu ku lahaa far-u-yeelidda af Soomaaliga—sidoo kalana, aan ku tuuntuunsanno waxgalnimada fartiisa; qiimaha iyo qarada suugaantiisa iyo kaalintiisa indheergaradnimo.
Afyaqaan
“Kaddaraa ogaalkay
Qoraal loogu iman jiray.”—Yuusuf-Shaacir Cismaan Cabdille: Aygarad
1972dii ka hor, Soomaalidu ma aysan lahayn far rasmi ah oo ay afkeeda ku dhigato. Ma jirin dhaqan akhrisqoraal oo taabbagal ah. Hilaadda qarnigii bartamihii qarnigii 19aad ilaa midkii 20aad waxaa jiray iskudayo isa soo tarayay oo far-u-yeelidda af Soomaaliga daarranaa—kuwaas oo shisheeye iyo sokeeyaba aan loo kala harin. Sidaas darteed, waa dhowaangal cilmibaarista af Soomaaliga iyo wax-ku-qoriddiisuba.
Imaatinkii gumaystaha ka hor, waxaa si isdabajoog ah dhulka Soomaaliyeed ugu soo qulqulayay sahamiyayaal ceelalyo u ahaa duullaanka gumaystuhu damacsanaa. Sahannadaas ayaa ujeedkooda ugu weyni ahaa dersidda dhaqanka iyo hiddaha, afka iyo isirka Soomaalida. Taas oo u dhuranays si uu saancaddaaluhu yoolashiisa gumaystanimo ee gurracan u gaaro. Deraasadahaas gumaystuhu garwadeenka ka ahaa, waxaan ka carrabaabi karnaa: Daved Salt 1814; Rigby, C.P. 1849; Praetorius, Franz 1870; Captan Frederick Mercer Hunter (1880)—oo dhammaantood salka ku hayay dano gumayste, si loo fahmo habdhaqanka Soomaalida, loona derso habfikirkooda iyo baxaalliga kasmadooda.
Haddaba, dadaallada loo galay far-u-samaynta af Soomaaliga ayaa ku dhereran cilmibaarista guud ee uu gumaystuhu ku dersayay bulshada Soomaaliyeed iyo afkeeda. Inkastoo ay culimadii Soomaaliyeed ee hore u adeegsan jireen higgaadda Carbeed in ay ku qortaan qasiiddooyinkooda, sida Sheekh Uways al-Baraawi (1890) oo qasiiddooyinka laga hayo ku diiwaaniyay xuruufta af Carabiga oo dhawaaq af Soomaali ah huwan, misana cilmibaarayaashii gumaystuhu waxay dhankooda ka wadeen in ay far u sameeyaan Soomaalida. Tusaale ahaan, Captan J.S.King (1887) ayaa, inta la hayo, ah qofkii ugu horreeyay ee iskudaya in uu far u yeelo af Soomaaliga, isaga oo iskudayay in uu dhawaaqyada af Soomaaliga ku dhigo higgaadda af Carabiga.
Dhinaca kale, rubuchoraadkii qarnigii 20aad, waxaa iyagana bilowday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay damaqday baylahnimada af Soomaaliga iyo la’aanta far dadkiisu ku haqabbeelaan. Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa 1920kii iskudayay in uu abuuro far xerudhalan ah oo leh xarfo u gaar ah. Waxaa ku kala xigay Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil oo 1924tii soo kordhiyay higgaaddii af Carabiga oo uu sii horumariyay iyo Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo 1933dii curiyay far “Gedabiirsiya” ku magacdheerayd oo ku tirsan faraha xerudhalanka ah ee aqoonyahannadii Soomaaliyeed u curiyeen afkooda hooyo.
Inkastoo ay baraarug bulsho abuureen oo isdareensiinta ahmiyadda far-u-yeelidda afka gacan weyn ka geysteen, haddana—nasiibdarro, farahaasi ma aysan hirgelin oo sidii la rabay bulshadu ugama aysan boganin—baahidii loo curiyayna xal rasmi ah uma aysan noqonin, sabab kastaa ha keentee.
1950meeyadii ayaa waxaa hal mar cirka carrabka la wada gaaray dareenkii abuurnaa ee danaynta far-u-helidda af Soomaaliga daarranaa iyo diidmo adag oo lagala hortagayay afafkii gumaystaha ee barabixinayay af Soomaaliga—kuwaas oo noqday afafkii maamulka, waxbarashada iyo xiriirka dadweynaha. In ka badan tobaneeyo farood oo hor leh bay aqoonyahanno Soomaaliyeed maamiyeen oo curinteeda isku hawleen.
Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo ka dhinbila-qaadanaya dadaalladaas soo taxnaa, ee isdabayaallay ilaa bartamihii qarnigii 18aad, ayaa 1952dii curiyay far uu loogu magacdaray “Kaddariya”, isaga oo qeyb ka ah dadaalladii far-u-raadinta af Soomaaliga. Waxa uu ka gilgishay duullaankii ay afafkii gumaystuhu kula jireen af Soomaaliga, isaga oo ka duulaya in afafkii qalaad ka sare mareen afkiisii hooyo ayuu guntiga dhiisha isaga dhigay sidii uu afkiisa far ugu yeeli lahaa.
Warbixintii cilmi-afeed (linguistic report) ee uu soo saaaray Guddigii Af Sooomaaliga ee 1961dii, waxaa ku xusan in ay jireen 18 farood oo kala ahaa: 11 farood oo Soomaali ah (xerudhalan), 4 farood oo Carabi ah iyo 3 farood oo Laatiin ah. Si, haddaba, loo kala saaro farihii tartamayay, waxa uu Guddigii Af Soomaaliga soosaaray qiimayn ka kooban 17 halbeeg—taas oo si cilmi ah loogu kuurgalayo, looguna kala saarayo farihii isgarbinayay.
Qiimayn dheer ka dib, wuxuu Guddigu go’aamiyay oo soosaaray labada farood ee ugu sarreeyay tayo ahaan, iyaga oo ku taliyay in la qaato. Labadaas farood, midda kowaadi waxay ahayd fartii uu Shire Jaamac Axmed ku tartamayay, oo ka mid ahayd saddexdii far ee Laatiinka ahaa, waxayna buuxisay 15 ka mid ah 17dii halbeeg ee la dejiyay. Halka fartii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle, oo ka mid ahayd 11dii far ee xerudhaladka ahaa, ay buuxisay 10 ka mid ah 17dii halbeeg. Sida uu Cabdalla C. Mansuur qorayana, “farihii kale oo idil midna ma gaarin natiijadaas (Mansuur, 2024).
Haddaba, farta Kaddariya oo qiimaynta Guddigii Af Soomaaliga ee 1961 kaga mudatay kaalinta labaad, ka gadaale markii ay ka horraysiiyeen farta Laatiinka oo uu Shire Jaamac Axmed hormuudka u ahaa aqoonyahankii u ololaynayay, waxa ay maanta iyo mar kasta oo kale u baahan tahay cilmibaaris joogto ah iyo milicsi dib loogu eegayo dadaalladii loo soo maray halgankii far-u-samaynta af Soomaaliga.
Indheergarad
Muddo dheer, waxaa Soomaalida indheergarad diran u ahaa abwaanka iyo wadaadka. Iyagaa isu yaqaannay in ay bulshada wax badan u ogyihiin. Tagtada, taaganta iyo timaaddadaba labadoodaa wax laga weydiin jiray. Sidaas darteed, hal-abuurka Soomaaliyeed meel uu joogaba wuxuu wax ka oran jiray hadba wixii bulshadiisa la soo dersa iyo arrimaha kale ee ay u urbixin waayaan. Kaddare oo ahaa abwaan murti badan, wuxuu ka mid ahaa indheergaradkii xilligiisa ee bulshadooda afhayeenka u ahaa. Isaga iyo rag kaloo badan waxay ka mid ahaayeen silsiladdii Deelley oo mawduucyo iyo arrimo badan, oo uu mid kastaa nuxur (theme) gaar ah sido, ku falkiyeen, kuna faaqideen—sida qabyaaladda, talamaroorsiga xukunka iyo kala-irdhaynta bulshada.
Muddo uu noolaa, Kaddare wuxuu ku suntanaa nabaddoonnimo ay geesinimo weheliso; maandheeri ay codkarnimo weheliso; iyo aftahannimo dhalan ah oo uu hiddaysanayo.
Suugaanyahan
“Dhulkaanu dadka waw dhaxays
Dhiishaase ninba meel dhigtaa.”—Dr. Xuseen-Kaddare Sheekh Axmed Hilowle
Waxqabadka suugaaneed ee Dr. Xuseen-Kaddare Sheekh Axmed Hilowle ee shaacbaxay—qoraheedana lagu majeerto—waxaa ka mid ah sheekadiisa caanka ah ee “Warsame iyo Waasuge: Socdaalkii 30ka Maalmood” oo ah sheeko koobsanaysa ifafaalayaal iyo shaacsanayaal bulsho (phenomenon) oo, jeerkaas iyo haddaba, si weyn uga dhex muuqda waaqica Soomaalida.
Ifafaalayaashaas waaweyn ee gudaha sheekada ku filiqsan waxaa ka mid ah: magaalagalkii Soomaalida iyo magaalowgii; anshaxa bulshada iyo hoobadkii akhlaaqeed ee casriyowgu sameeyay (modernity); hirdankii ka dhex dhacay asalraaca (traditional) iyo casriyowgii xawliga ku socday ee dawladnimada casriga ahi horseedka ka ahayd.
Waxa ay sheekadu fahan xeeldheer ka bixinaysaa habnololeedkii bulshada Soomaaliyeed ee soojireenka aha, habkii ay u dhaqmi jirtay iyo habdhaqankii magaalowgu watay ee ilbaxnimadii reer Galbeedku soo waaridday.
Marka intaas laga yimaado, dhismaha iyo habqoraalka sheekadu waa mid jidiinmar leh oo aan lagu merganayn; huwan ereyo cufan, fudud oo la wada fahmi karo, isla markaasna xanbaarsan macne mug weyn.
Gunaanad
“Hunguri calaf baa xukuma
Hantina dhaqan baa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhex yaal.”—Maxamed-Hadraawi I. Warsame: Anuun baa Hooyadaaya
Gabagadii, Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) iyo cid kasta oo la mid ah, waxa ay qarankeeda ka mudan tahay in magaceeda taariikhda lagu waariyo oo la weeleeyo waxqabadkeeda; la nooleeyo raadkeeda—lagu kaydiyo galalka sooyaalka.
Maadaama aysan ummaduhu sina uga maarmi karin halyeeyo iyo haldoorro ay ku hirtaan, waxaa mahuraan ah in waxsoosaarka aqooneed ee Kaddare uu helo qiimayn, boorkajafid, casriyayn iyo horumarin joogto ah.
Raadraac
- Calasow, X. C. (n.d.). Sooyaalka Kaddare. In Qaamuuska af-Soomaaliga. Centro Studi Somali, Università degli Studi Roma Tre.
- Mansuur, C. C. (2024). Habdhigaalka af Soomaaliga guud: Midayn, horumarin iyo casriyaynt. Qalinmaal Publishing.
- Linguistic Report, The Report of Somali Language Committee, 1961.Axmed Faarax Cali (Idaajaa) & Ibraahim Cawad (Khooli) (Eds.). (1979-1980). Diiwaanka Maansadii Deelley: Ururin iyo Faallo (Studi Somali, vol. 12). L’Harmattan Italia.
- Puglielli, A., & Mansuur, C. C. (2012). Qaamuuska af-Soomaaliga. Centro Studi Somali, Università degli Studi Roma Tre.