U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay Dib-u-habayn Ballaaran ku Sameeysay Waxbarashada Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horumar la taaban karo laga sameeyay waxbarashada dalka muddadii ka yar 45 bilood ee ay xilka haysay, iyadoo waxbarashada ku tilmaantay tiirka horumarka, sharafta iyo mustaqbalka qaranka.

Markii xukuumaddu xilka la wareegtay, kaliya 900 macallin ayaa ku jiray liiska mushaharka dawladda, halka wax ka yar afar meelood meel carruurta da’dooda waxbarasho ay dugsi joogeen, sida lagu sheegay warbixinta uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xukuumaddu waxay sheegtay in xaaladdaasi si weyn isu beddeshay,
Labadii sano ee u dambeysay, waxaa laga qoray oo dalka oo dhan 6,000 macallin oo tababaran, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaasi gaarto 10,000, islamarkaana la hiigsanayo 12,000 macallin oo dawladeed marka la gaadho sanadka 2026.

Macallimiintan cusub ayaa laga geeyay magaalooyinka waaweyn iyo deegaanada fog-fogba, Sidoo kale, markii ugu horreysay taariikhda dalka, mushaharka macallimiinta waxaa si buuxda looga bixiyaa dakhliga gudaha ee dawladda, arrintaas oo lagu tilmaamay tallaabo muujinaysa isku filnaansho iyo madaxbannaani dhaqaale.

Xukuumaddu waxay sheegtay in la kordhiyay heerarka waxbarashada isla markaana dib loo soo celiyay rajadii bulshada. Ku dhowaad 250,000 qalin-jabiye iyo 200,000 arday oo hadda wax baranaya ayaa ka diiwaangashan nidaamka tacliinta sare ee dalka.

Tirada ardayda u fadhiisata Imtixaanka Qaranka Fasalka 12aad ayaa kor uga kacday 7,000 ilaa 39,000 arday. Waxaa ka mid ah arday ku nool Laascaanood oo markii ugu horreysay muddo 30 sano ah u fadhiistay imtixaanka qaranka, taas oo lagu tilmaamay astaan midnimo iyo fursad loo wada siman yahay.

Inkasta oo horumar la sameeyay, haddana xukuumaddu waxay qiratay in safarku weli socdo, iyadoo sheegtay in dalka uu u baahan yahay ilaa 120,000 macallin si si buuxda loogu daboolo baahida waxbarasho ee carruurta.

Ugu dambeyn, xukuumaddu waxay adkaysay in dib-u-habaynta waxbarashadu ay ka gudubtay heer isbeddel maamul oo keliya, balse ay tahay dib-u-soo-nooleyn qaran oo lagu xaqiijinayo in ilmo kasta, meel kasta oo uu joogo, helo fursad waxbarasho iyo hoggaan mustaqbal.