U bood dhigaalka

Soomaaliya oo malaayiin doollar ku iibsanaysa diyaarado dagaal oo ay soo saarto Bakistaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gashay weji cusub oo dhanka difaaca ah, iyadoo haatan wadahadallo heer sare ah kula jirta dalka Bakistaan si ay u iibsato diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee JF-17 Thunder (Block III) sida ay qortay Warbaahinta ka faaloota Arrimaha bariga dhexe.

Tallaabadan ayaa noqonaysa maalgashigii ugu weynaa ee dhanka ciidanka cirka ah oo ay Soomaaliya samayso tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, waxayna muujinaysay rabitaanka dalku u qabo inuu dib u hantiyo madax-bannaanida hawadiisa.

​Wadahadalladan oo dardar xooggan yeeshay bishan Febraayo 2026 kadib booqasho uu Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, General Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), ku tagay magaalada Islamabad, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Soomaaliya u heli lahayd ilaa 24 diyaaradood.

Qorshaha ayaa ah in marka hore dalka la keeno lixda (6) diyaaradood ee ugu horreeya, kuwaas oo loogu talagalay inay fuliyaan hawlgallada difaaca iyo weerarka ee lagama maarmaanka u ah amniga qaranka.

​Marka la eego dhanka dhaqaalaha, heshiiskan guud ayaa lagu qiyaasay inuu ku kici doono inta u dhaxaysa 800 ilaa 900 oo milyan oo doollar. Qiimaha halkii xabbo ee diyaaraddan nooca ugu casrisan (Block III) ayaa suuqa caalamiga ah ka joogta qiyaastii 35 ilaa 45 milyan oo doollar, halka noocyadii hore ee Block I iyo II ay ka jaban yihiin oo lagu heli karo 25 ilaa 30 milyan oo doollar.

Kharashkan weyn waxaa ku jira tababarka duuliyeyaasha, agabka hubka, iyo dayactirka mustaqbalka fog, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dalalka Sucuudiga iyo Turkiga ay gacan ka gaysan karaan maalgelinta mashruucan si loo xasiliyo amniga Geeska Afrika.

​JF-17 Thunder waa diyaarad multipurpose ah oo leh raadaarka casriga ah ee AESA, kaas oo u saamaxaya inay aragto cadowga fog isla markaana ay xambaarto gantaallada casriga ah.

Soo iibsashada diyaaradahan ayaa imanaysa xilli laga qaaday Soomaaliya cunaqabateyntii hubka, waxayna dalka ka caawin doontaa inuu yareeyo ku tiirsanaanta diyaaradaha shisheeye, isagoo si buuxda u kantarooli kara xuduudihiisa badda iyo berrigaba.