U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu Baaqay Saamileyda Siyaasadda Gogol Wadatashi

Maarso 19, 2026

​Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa farriin muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaanka siyaasadda dalka munaasabadda Ciidul Fitriga awgeed.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda inay isugu yimaadaan gogol wadatashi oo deg deg ah, si looga arrinsado hannaanka geedi-socodka dalka iyo xoojinta midnimada umadda.

​Isaga oo ka hadlayay muhiimadda munaasabadda, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta ee caalamka, isagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadooyinkii kala duwanaa ee ay soo guteen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, sida soonka, salaadda iyo sadaqada.

Baaqan wadatashi ee uu madaxweynuhu soo saaray ayaa loo arkaa tallaabo loogu gogol xaarayo isfaham ballaaran oo laga gaaro arrimaha masiiriga ah ee dalka, iyadoo la mudnaan siinayo xasilloonida iyo horumarka qaranka.