Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka Maal-gelinta Horumarinta Soomaaliya, kaas oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, ganacsatada, maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya.
Intii uu socday shirka ayaa looga hadlay fursadaha iyo baahiyaha maal-gelinta horumarineed ee dalka, iyadoo diiradda la saaray sidii Soomaaliya looga gudbi lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maal-gelinta horumar waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Hiigsiga Qaranka 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya loogu horseedayo dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, iyadoo loo baahan yahay maal-gelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.