Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Serbia kulan muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalkaas, Aleksandar Vučić. Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Serbia, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo danaha labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qaybgalaya shir heer sare ah oo lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (Non-Aligned Movement), kaas oo magaalada Belgrade lagu qabtay sanadkii 1961-kii.
Shirka ayaa isu keenaya madax iyo masuuliyiin ka socda dalal kala duwan oo caalamka ah, waxaana lagu xusayaa taariikhda iyo kaalintii uu Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn ku lahaa xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Serbia ayaa sidoo kale fursad u noqonaysa in labada dhinac ay ka wada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.