U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mucaaradka ku eedeeyay midnimo la’aan iyo aragti-gaabni

Maarso 20, 2026

​Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho dhiirigelin ah ku tegay deegaanka qadiimiga ah ee Gandarshe, ayaa si adag uga hadlay wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo dhex taagan furimaha hore ee dagaalka, halkaasna kula tukaday ciidanka qaranka, ayaa si weyn uga xumaaday burburka iyo cidlada ka muuqata magaalada Gandarshe oo uu sheegay inay ahaan jirtay goob uu imaan jiray, balse shacabkii degganaa lagu dhibaateeyay noloshooda.

​Isagoo ka hadlayay hawlgallada socda, Madaxweynuhu wuxuu si adag u difaacay go’aanka dowladda ee ku aaddan ka saarista dadka degan dhulalka dowladda ee magaalada Muqdisho. Wuxuu caddeeyay in tallaabadan aysan ahayn mid lagu xadgudbayo muwaadiniinta, balse ay tahay mid looga gol-leeyahay soo celinta hantidii qaranka iyo nidaamka dawladnimo, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay mas’uuliyad weyn iska saarayso sidii loo heli lahaa dhulalkii loogu adeegi lahaa bulshada oo dhan.

​Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyay xubnaha mucaaradka ee dhaliila hannaanka dowladda ee dib u soo celinta dhulalka qaranka, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabiyeen inay keenaan aragti midaysan oo Soomaaliya horay u horseedi karta.

Wuxuu tilmaamay in xilligan loo baahan yahay midnimo iyo in laga wada qayb qaato dhismaha dowladnimada, balse mucaaradku ay u muuqdaan kuwo aan lahayn qorshe cad oo ka duwan kan hadda socda, kaas oo looga gudbi karo caqabadaha hortaagan horumarka iyo nabadgelyada dalka.