Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulkaas, kuwaas oo gaaraya 95 xubnood, ayagoo noqanaya Baarlamaankii saddexaad ee uu yeesho maamulkaasi tan iyo markii la aas-aasay.
Xildhibaannadan cusub ayaa la filayaa inay dhowaan doortaan hoggaanka sare ee maamulkaas, iyadoo lagu dhawaaqay in muddo ka yar laba maalmood gudahood lagu dooran doono guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulka.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Khilaafkaas ayaa salka ku haya arrimo la xiriira doorashooyinka iyo habraacyada loo marayo, ayadoo ay muuqato in Laftagareen uu doonayo inuu qabsado doorasho ku soo gabagabowda wax ka yar laba toddobaad.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga sida ay DFS uga falcelin doonto tallaabooyinkan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho xasilloonida guud ee deegaannadaas.