Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa in saacadaha soo socda uu gudaha madaxtooyada Villa Somalia kulan deg-deg ah kula yeelan doono wakiillada saaxiibada caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee xilligan ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madaxtooyadu ay doonayso inay Beesha Caalamka la wadaagto mawqifka dowladda ee ku aaddan khilaafka taagan, iyadoo dhanka kalena laga filayo xubnaha caalamiga ah inay ku baaqaan is-xakamayn iyo in wadahadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya labada dhinac.
Xiisaddan oo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka ayaa keentay in saaxiibada caalamka ay muujiyaan walaac xooggan, maadaama ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida guud iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
Lama oga natiijada rasmiga ah ee ka soo bixi doonta kulankan, balse waxa uu kusoo beegmayaa xilli xasaasi ah oo ay indhaha oo dhan ku hayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo u muuqata mid u baahan dhex-dhexaadin heer caalami ah si xaaladda loo qaboojiyo.