U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo ka dib is-casilaaddii Laftagareen

Abriil 1, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheynaya inuu safar degdeg ah ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii isbeddel xooggan oo dhanka maamulka ah uu ka dhacay magaaladaas, kaas oo meesha ka saaray xukunkii madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ka dib markii uu la kulmay culays weyn oo kaga yimid dhanka dowladda federaalka.

​Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay si dhow u kormeerayso xaaladda cusub ee Baydhabo, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu halkaas kula kulmi doono siyaasiyiinta, Waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa loolanka adag ee loogu jiro cidda beddeli lahayd Laftagareen iyo dhismaha hannaan maamul oo cusub oo degaanku yeesho, ka dib markii ay dowladda dhexe si xooggan u hirgelisay isbeddelkii ay muddooyinkanba doonaysay.

​Socdaalka madaxweynaha ayaa loo arkaa mid lagu dhuuxayo dareenka shacabka iyo siyaasiyiinta Baydhabo, xilli loolanka loogu jiro hoggaanka cusub uu marayo meel sare, iyadoo kooxaha garabka dowladda ah ay isku garbinayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen mustaqbalka Koonfur Galbeed.