Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Shaatigaduud ee Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Tan iyo isbedelkii maamul ee ka dhacay magaalada 30kii Maarso, waxaa si weyn looga dhursugayay socdaalka Madaxweynaha, waxaana magaalada ku soo gaaray wafuud sare oo hordhac u ahaa safarkiisa oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka, hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee maamulka, wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida.
Ma ahan markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhiirrado in uu u safro goobo ay ka dhaceyn is-beddel maamul. Kal hore waxa uu socdaal ku maray furimaha dagaalka iyo deegaannada laga saaray kooxda As, isaga oo hor istaagay dardaaran iyo dhiiragelina u jeediyay ciidamada hubeysan oo kuwa degaanka ah. Sidoo kale, waxa uu socdaal taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, isaga oo noqday Madaxweynihii ugu hoorreyay ee booqda 38 sano kadib.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo, hoggaanka cusub ee maamulka, siyaasiyiinta, saraakiisha, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, si loo xoojiyo amniga iyo midnimada Koonfur Galbeed, loona qabto doorasho qof iyo cod ah.