Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3-da May 2026 si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka, iyadoo la sheegay in doorashooyinku u dhici doonaan marxalado kala duwan laga bilaabo bishan May ilaa bisha August ee sanadkan.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in jadwalkan uu ku saleysan yahay waajibaadka dastuuriga ah iyo shuruucda doorashooyinka dalka, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka dowlad goboleedyadu ku dhacaan hannaan sharciyeysan oo hufan.
Sida jadwalka ku xusan, Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee gala doorashada, iyadoo doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiillada loo qorsheeyay 10-ka May 2026, halka doorashada guddoonka baarlamaanka ay dhaceyso 18-ka May, waxaana doorashada hoggaanka maamulka la qaban doonaa 23-ka May 2026.
Waxaa xigi doona Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo doorashooyinkooda loo asteeyay bilaha June iyo July, halka Gobolka Banaadir, Waqooyi Bari iyo Gedo loo qorsheeyay dhammaadka July iyo billowga August.
Shaacinta jadwalkan ayaa kusoo beegmeysa xilli dalku uu ku jiro marxalad kala guur, islamarkaana waxaa indhaha lagu wada hayaa sida maamullada iyo saamileyda siyaasadeed uga jawaabaan jadwalkan cusub, iyo in doorashooyinku ku qabsoomi doonaan waqtiga uu guddigu cayimay.