U bood dhigaalka

Tiradii ugu badnayd oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo saaka ka qeyb-galaya doorashada Koonfur Galbeed

Maajo 10, 2026

Doorasho adag ayaa maanta ka dhacaysa deegaannada Koonfur Galbeed, ayadoo dhawr urur ay ku loolamayaan doorashadan oo isugu jirta xubnaha baarlamaanka iyo hoggaamiyaha maamulkaas.

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee  deegaannadaaa, xilli halkaasi ay daqiiqado ka dib ka billaabanayso codbixinta oo ka dhacaysa  13 degmo.

Sida guddigu sheegay
Tirada guud ee codbixiyeyaasha is diiwaangelisay ayaa gaartay 376,212 qof, iyadoo xogtu muujineyso in 4,781 qof oo kamid ah codbixiyeyaashu ay yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Doorashadan oo lagu tilmaamay mid adag oo indhaha lagu wada hayo, ayadoo noqanaysa tijaabadii ugu horraysa ee doorasho qof iyo cod oo heer dawlad goboleed ah.