Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tirinta codadkii laga dhiibtay goobaha codbixinta doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda la soo bandhigo natiijada hordhaca ah ee doorashadaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo shir jaraa’id qabtay kadib markii la soo xiray xarumaha tirinta codadka, ayaa sheegay in geeddi-socodka tirintu uu u dhacay si hufan, isla markaana guddigu xaqiijiyay in dhammaan codadkii laga keenay goobaha codbixinta si sax ah loo hubiyay loona diiwaangeliyay.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in guddigu hadda ku guda jiro marxaladihii ugu dambeeyay ee isu-geynta iyo hubinta xogta kama dambaysta ah, ka hor inta aan shacabka loo soo bandhigin natiijada hordhaca ah.
Doorashadan Koonfur Galbeed ayaa si weyn indhaha loogu hayay, maadaama ay qayb ka tahay qorshaha dalka loogu jihaynayo hannaan dimuqraadi ah oo ku saleysan doorasho qof iyo cod ah, iyadoo natiijada la filayo ay saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee maamulka iyo tan guud ee dalka.