U bood dhigaalka

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo lagu wado in maanta uu shir uga furmo xayndaabka Xalane

Maajo 13, 2026

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay qeyb ka yihiin madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa maanta la filayaa inuu shir xasaasi ah uga furmo xerada Xalane, kaas oo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan, oo la sheegay in ay fududeynayso safaaradda Maraykanku, ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray muranka siyaasadeed ee la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, ayadoo dawladda xilka haysaahi ay ku adkaysanayso doorasho qof iyo cod ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu miiska la imaan doono hindise cusub oo ku saabsan hannaan doorasho, halka dawladdu ay wadato hannaanka qof iyo codka ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa indhaha lagu wada hayaa shirkan oo ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo muddo xileedka dawladda ay ka hartay keliya labo maalmood.