U bood dhigaalka

Xildhibaannada cusub ee Golaha wakiillada Koonfur Galbeed oo la dhaariyay

Maajo 30, 2026

Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Baydhabo, kaddib maalmo uu dib-u-dhac ku yimid jadwalkii munaasabaddan

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Dhaarinta xubnaha cusub ee golaha ayaa qeyb ka ah dhammaystirka hannaanka dhismaha hay’adaha maamulka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda magaalada Baydhabo lagu qabto doorashada hoggaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed.