U bood dhigaalka

Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Juun 4, 2026

Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib doorasho maanta ka dhacday Hoolka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Natiijada doorashada waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kaas oo sheegay in Mahad Maxamed Sheekh Xasan uu helay 70 cod, isagoo si cad uga guuleystay musharraxii la tartamayay ee Cabdixakiim Faqi oo isna helay 25 cod.

Doorashada ayaa ku dhacday jawi degan, iyadoo xubnaha Golaha Wakiillada ay codkooda si toos ah ugu dhiibteen musharraxiinta u tartamayay xilka guddoomiyenimada.

Guusha Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa ka dhigan isbeddel cusub oo dhanka hoggaanka Golaha Wakiillada ah, waxaana la filayaa inuu si rasmi ah ula wareego xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed maalmaha soo socda.