Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheikh Adan Mohamed Nur, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay habsami u socodkii doorashada iyo bisaylka siyaasadeed ee ay muujiyeen xildhibaannada, guddoonka iyo musharraxiintii ku tartamay xilka hoggaaminta Koonfur Galbeed. Waxa uu Alle uga baryay hoggaanka cusub in uu ku guuleysto gudashada waajibaadka muhiimka ah ee horyaalla.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, anigoo u rajeynaya inuu xoogga saaro mideynta bulshada, nabadda, horumarka iyo xoojinta dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in doorashooyinka ay shacabka Koonfur Galbeed si toos ah uga qayb qaateen ay yihiin tallaabo muhiim ah oo horumar u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in doorashooyinkani ay muujiyeen bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Madaxweynaha ayaa ammaan gaar ah u jeediyay boqolaalkii kun ee shacabka ahaa ee ka qayb galay doorashada, isagoo ku bogaadiyay dulqaadka, adkeysiga iyo sida ilbaxnimada leh ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka doorashada.
Waxa uu tilmaamay in ka qaybgalka ballaaran ee shacabka uu yahay calaamad muujinaysa kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, nabadda iyo mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Doorashada Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa lagu tilmaamay mid bog cusub u furtay siyaasadda Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in hoggaanka cusub uu diiradda saaro xoojinta amniga, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee deegaannada maamulkaas.