Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jawhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaas oo uu ka Xarig jaray mashaariic horumarineed oo muhiim u ah shacabka iyo hay’adaha dowlad-goboleedka.
Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismayaal kala duwan oo muddooyinkii la soo dhaafay laga hirgeliyay magaalada Jawhar, waxaana kamid ah Mashaariicda dhismaha xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle, dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Maaliyadda, Guriga Martida Dowladda Hirshabeelle iyo sidoo kale waddooyin laami ah oo dhowaan laga dhisay magaalada.
Intii uu ku suganyahay Jawhar, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhagax-dhigo mashaariic kale oo horumarineed kuwaas oo ay kamid yihiin terminal cusub oo laga hirgelinayo Garoonka Diyaaradaha ee Jawhar, xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle iyo dhismaha Wasaaradda Amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maamulka iyo shacabka Hirshabeelle uga mahadceliyay dadaallada ay ku bixiyeen hirgelinta mashaariicdan, isagoo ku tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarka adeegyada dowladda, kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta dowladnimada.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowlad-goboleedyada si loo dardargeliyo horumarka dalka, loona horumariyo adeegyada ay helaan shacabka Soomaaliyeed.