U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi Kula Kulmaya Madaxda Gobolka

Juun 21, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmi doono madax iyo saraakiil ka tirsan dalalka gobolka si looga wada hadlo xaaladda amniga, siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro arrimaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo wada-hadallada la filayo inay diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa heshiis ay ku mideysan yihiin dhinacyada Soomaalida.

Kenya ayaa muddooyinkii dambe door muuqda ka ciyaareysay dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana Nairobi lagu wadaa in lagu falanqeeyo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madax ka tirsan dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ay wadaan dadaallo lagu dhiirrigelinayo in la gaaro is-afgarad siyaasadeed, si looga hortago caqabado saameyn kara taageerada amni ee Soomaaliya ka hesho waddamada gobolka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in xal siyaasadeed laga gaaro arrimaha taagan, iyadoo beesha caalamka iyo dalalka gobolka ay si dhow ula socdaan xaaladda Soomaaliya.