Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinnimada maamulka Galmudug, isaga oo sheegay inuu la shaqeyn doono cid kasta oo ku guuleysata hoggaanka maamulkaas.
Qoorqoor ayaa sheegay in go’aankiisu uu salka ku hayo danta guud iyo xasilloonida Galmudug, isagoo xusay inuu garab istaagi doono hoggaanka cusub ee la dooran doono si loo sii ambaqaado horumarka iyo dowlad-dhiska Galmudug.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujinaysa ganacsade Liibaan Axmed, kaas oo la filayo inuu noqdo musharraxa ugu cadcad doorashada la filayo inay ka dhacdo Galmudug, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin habraaca geeddi-socodka doorashada.
Ka tanaasulidda Madaxweyne Qoorqoor ayaa soo afjareysa madmadow siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay ka dhex jiray Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay diyaar-garowga doorashada maamulka.
Sidoo kale DFS ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda deegaannada Galmudug ka qaban doonto doorasho lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka, ayadoo Galmudug ay noqanayso maamulka labaad ee uu ka dhacayo isbeddelku ka dib Koonfur Galbeed oo uu ku guuleystay musharixii ay wadatay DFS.