U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Ceeldheer ka Daah-furay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Juun 29, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud uga daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Daah-furka ololahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u qalma inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan Galmudug.

Mas’uuliyiinta guddiga ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in shacabka degmada Ceeldheer ay helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan hannaanka dimuqraadiyadda.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka buuxiya shuruudaha codbixinta inay ka faa’iideystaan muddada diiwaangelinta, isla markaana ay iska diiwaangeliyaan xarumaha loo asteeyey, si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada.

Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa sidoo kale ka socda deegaanno kale tirsan Gobolka Galgaduud, xilli dhowaan heshiis laga gaaray khilaaf u dhexeeyay DFS iyo hoggaanka maamulka Galmudug ee haatan talada haya.