U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo warbixiyay sida ay doorashadu u socoto

Luuliyo 30, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa faahfaahin ka bixiyay habsami u socodka doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka socota Dowlad-Goboleedka Galmudug, isaga oo sheegay in geeddi-socodku uu ku socdo jawi deggan oo nidaamsan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhammaan goobaha codbixinta ay si wanaagsan u shaqeynayaan, isla markaana la qaaday tallaabooyin adag oo lagu sugayo amniga, si codbixiyeyaashu ay ugu gutaan xuquuqdooda si nabad ah.

Waxa uu bulshada ugu baaqay inay si ballaaran uga qayb qaataan doorashada, islamarkaana ay soo baxaan oo codkooda dhiibtaan, isagoo ku tilmaamay codbixinta inay tahay fursad muhiim u ah shacabka inay doortaan hoggaankooda.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray ururrada siyaasadda ee ku tartamaya doorashada, isagoo ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga doorashooyinka, ayna ilaaliyaan hannaanka doorashada.

Wuxuu si gaar ah uga digay in ururradu aysan wax isbeddel ah ku samayn murashaxiintooda inta geeddi-socodka doorashadu socdo, si loo ilaaliyo daahfurnaanta iyo kalsoonida lagu qabo nidaamka doorashada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in doorashadu ku qabsoonto si xor, xalaal ah oo hufan, iyadoo la ilaalinayo shuruucda iyo habraacyada u dejisan doorashooyinka Galmudug.