Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo ku beegan 30-ka Luulyo 2026 kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo taageerada Mareykanka ee nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, adkeynta amniga, iyo horumarinta xasilloonida gobolka.
Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, ayaa caddeeyay in dowladda Mareykanku ay ka go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada, iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka iyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah si loo ciribtiro khatarta argagixisada loona dhiso hay’ado amni oo awood leh.